Waa maxay Dawlad wanaag (What is Good Governance?)
Waxaan ugu horeyn salaamayaa dhamaan bahda warbaahinta meel kasta oo ay joogaan waxaa kale oo aan salaamayaa bulshadda ku xidhan warbaahinta .
Waxaan maanta inyar ka qorayaa waxa ay tahay dawlad wanaag ee aasaaska u ah ama tiiran .waxaan u doortay maqaalkan waxay tahay habacsanaant baahsan ee jirta Somaliland iyo somalia waqtigan xaadirka .
Dawlad wanaag marka la doonayo waxaa shardi u ah ama aasaas waxay tahay 8 rukun ama tiir .haddi aanay jirin rukunadaasi waxay noqoneysaa dawlad xun waxaana ka mid ah tiirarkaai-
1- Ka ´qeybgal (Participation) Waxay macneehudu ay thay in dawlad wanaag ay ka qeyb galaaan ragga iyo dumarku .wuxuuna noqon karaa ka qeybgalkaasi hay,ada dhexe sharicga ah .
2- Xeerka sharicga( Rule of Law) Qodobkan labaad wuxuu ka hadlayaa dawlad wanaagu wuxuu u baahan yahay sharci cadaalad ah.isla markaani si dhexdhexaad ah loo meelmariyo,waxa kale ay u baahan tahay ilaalilnta xuquuqda aadanaha gaar ahaana kuwa laga tirada badan yahay-
3- Furfurnaan ( Transparecy) furfunaan macaneedu waa go,aamada la qaatay dhaqankalkoodu wuxuu u dhacayaa qaab taas oo raacaya xeerka iyo qawaaniinta-
4- Jawaabid ( Responsiveness) dawlad wanaagu wuxu u baahan yahay hay.adaha geedi socodka wuxuu isku dayaa inuu u adeego dhaman saamileyda.
5. Isutanaasulka( Consensuss oriented) Dawlad wanaag waxay u baahan tahay dhexdhexaadinta danaha kala duwan ee bulshada si loo gaaro isfahan balaadhan oo bulshada dhexdeeda ah ee ku saabsan waxa danta ugu wada wanaagsan bulshada, Waxaa sidoo kale loo baahan yahay aragti balaadhan si loo gaaro yoolka .
6- Sinaan iyo ka wada qaybgal ( Equity and Inclusiveness) Bulsho wanaaga waxay ku xidhan tahay hubinta in xubneheeda oo dhami ay dareemaan inay leeyihiin saamiga. Tani waxay u baahan tahay dhmaan kooxaha laakiin gaar ahaan ugu kuwa ugu nugul-
7- Waxtarka iyo Hufnaanta ( Effectiveness and Efficienty)
dawlad wanaagga waxaa loola jeedaa geeddi-socodka hay,aduhu waxay soo saaran la kulmo baahida bulshada aad sida ugu fiican u adeegsanyso kheyraadka ay isticmaali karaan- Fikrad ah hufnaanra xaalada maamul wanaagga wuxuu kale oo uu daboolaayaa isticmaalka dabiiciga ah ee waara kheyraadka iyo ilaalinta deegaanka.
8 – Xisaabtanka ( Accountability )
La xisaabtanka ayaa ah shuruud muhiim ah wanaagga dawadladnimda. Kaliya maaha dawaladda hay,adaha iyo sidoo kale waaxda gaarka loo leeyahay iyo ururada bulshada rayidka waa inay ahaadaan lagula xisaabtami karo shacabka iyo kuweena.
Waxaan intaas ku soo koobayaa maqaalkan aan kaga faaloonaayey waa maxay maamul wanaag ,waxaan u rajeynaa dhaamaan akhristaaysha qiimaha leh inay ka faa,iideysandoonaan , Waxaa kale oo aan ka codsanayaa dadka leh aqoonta wanaagsan ee la xidhiidha xaga maamulka inay soo qoraaan si ay bulshadu ugu faa,iideystaam.
Waad Mahadsantihiin
Ahmed ismail”
Ahmedbudul@hotmail.com