Muuse Biixi waa Madexweynahii ugu horeeyay Somaliland ee bilaa mucaarid ah.

Tan iyo intii Somaliland lagu dhawaaqay 18/05/1991, waxa hadda laga joogaa mudo ku dhow dhow 30 sano, waxaana soo maray mudadaas tiraba 5 Madaxweyne oo midkasta lagu xasuusto waayahiisii siyaasadeed iyo maamul ee u gaarka ahaa. Hadaba, Madaxweyne Muse Bixi waxuu nasiibku gaar ugaga yeelay Madaxweynayaasha kale, waa Madaxweynahii ugu horeeyay ee aan lahayn mucaarid adag oo naqdiya siyaasadiisa maamul ama buuxiya hanaanka Dowladeed ee ku dhisan isla xisaabtanka (Checks and Balances).
Hadaynu dib u yara milicsano Madaxweynahii ugu horeeyay ee Cabdiraxman Ahmed Cali  Allah haw naxariistee oo waxyar talada Dalka hayay 1991–1993, waxa soo maray mucaaridad xoog wayn oo mid siyaasi iyo mid dhaqdhaqaaq ciidanba lahaa, iyadoo daruufaha Wadanka ka jirayna aanu wakhtigaas u babac dhigi karayn mucaaridaadaa xooga  badan, waxay aakhirkii sababtay inuu saqiiro maamulkiisii oo uu hana qaadi waayo kuna fashilmo inuu qarameeyo oo hubka ka dhigo Ciidamadii Jabhadii SNM, aakhirkiina sababay dagaalo siyaasadeed oo soo dadajiyay in maamulkii Dalku uu ka baxo gacanta Jabhadii Dalka qabsatay isagoo Madaxweyne Cabdiraxman tuur uu aakhirkii Taladii Dalka  ku wareejiyaay Odayashii dhaqanka ee Boorama ku  qabtay shirweynahii labaad ee Somaliland.
Gabagabadii Shirkii Boorama , waxa Madaxweyne loo doortay Maxamed Xaaji ibraahim  Cigaal Allah haw naxariistee oo ahaa Siyaasi ruug cadaaya, isna waxa ku bilaabmay loolan xoogan oo aakhirkii sababay dagaal Siyaasadaysan oo Dad badan oo shiciba ay ku naf waayeen oo mudo 3 sano ah Dalka ka socday (1994–1997).
 Dagaaladaas ka dib Shirweynahii 2aad ee nabadeeynta Beelaha Somaliland ayaa marlabaad Marxuum cigaal dib loo doortay, waxaanu xiligaas ku guulaystay in Colaadahii uu soo afjaro oo ay dib u curato wada noolanshahii iyo yagleelidii Dowladnimadu. Inkastoo qaloocii xiligaas galay Somaliland nidaamkeeda wax wada lahaansho ku qotamay aan ilaa hadda la sixin, hadana aynaan ka hadalkeega iminka taas u socon, waxaynu qoraalkeena ku koobaynaa kaalintii mucaaridka ee xiligaas uu maamulki Cigaal uu la xarbiyaayay. 1997 waxa  Cigaal la tartamay oo hogaanka talads Dalka kula loolamay Gudoomiyaha Guurtida ee hadda Saleeban Maxamud Adan oo uu cigaal ka Guulaystay, Saleeban iyo saxabadiisii qaaxo ma ay joojin mucaaridnimadii ay xiligaas iyo ka horba ku bilaabeen Cigaal, waxayna geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen sidii ay mar uun talada Dalka uga tuuri lahaayeen, aakhirkiina waxay soo abaabuleen shirkii ay Madax dhaqameedka Bariga Burco  hormoodka ka ahayeen ee lagu xidhxidhay Salaadiintii shirkaa abaabulay, qaarna lagu godoomiyay Aqalka Suldaan Bare. Mucaaridnimada xooga badnayd ee Maamulkoo Cigaal xiligaas waajahayay waxay ku kaliftay inuu Dalka ka bixi waayo isaga oo buka oo xaaladiisa caafimaad liidato una baahnaa dhakhtar dibadee, inuu hadana wakhti badan ku qaato siduu kacdoonka uu Saleeban Gaal horkacayo u dajin lahaa, aakhirkiina Allah haw naxariistii waxa loo qaaday South Afrika 2002 isaga oo xaaladiisa caafimaad aad u liidato oo uu halkaas ku xijaabtay.
Dhimashadii Cigaal ka dib, waxa Madaxweyne noqday Madaxweyne kuxigeenkiisii Daahir Riyaale Kaahin, inkastoo aanu Daahir la kulmin mucaarid hubaysan hadana waxa la odhan karaa xiligiisii waxa jiray Mucaaridad xoogan oo mararka qaar adeegsan jirtay tab kasta oo Maamulkiisii lagu nacsiinayo Dadka, sida in lagu tilmaamo inuu ka qayb qaatay tacadiyadii Dalka ka dhacay xiligii Dowladii Kacaanka, musuqmaasuq baahsan iyo in mararka qaar ay mucaaridkaasi adeegsadaan tabo qaab cunsuriyeeysan u dhigan oo ay ku durayaan Dahir Riyaale. Xiliyadii  Doorashooyinka  waxay Mucaaridkii xiligaas jiray ay dhinac kasta kaga awood roonaayeen Maamulkii Riyaale iyaga oo xitaa awood u yeeshay in iyaga oo mucaarid  ah ay is daba mariyaan Cododkii Doorashada taasoo aan Dal Afrikaan ah waligeed ka dhicin ama ay baabiyaan cododka meelaha uu Xusbi xaakimkii UDUB ku xoog badnaa, xaga abaabulka iyo borobugaandahana way kaga awood badnaayeen oo xitaa waxay sameeyeen Idaacad u gaar ah oo sharci darqa  baahisana siyaasadaha xusbigooda iyo kicinta Dadweynaha.
2010 waxa Dalka taladiisa la wareegay Madaxweyne Siraanyo oo halgan dheer ka dib ku guulaystay doorashadii, inkastoo isagu aanu la kulmin mucaaridnimo xoog badan sida sadexdii Madaxweyne ee ka horeeyay hadana waxa mucaaridnimo la dareemi karo ku hayay isla xubno ka tirsan xusbigiisii Kulmiye iyo odoyaashii Madaasha ee ay kor kacayeen Jaalayaashiisii Halganku. Waxaana caan baxday halhayskii ahaa “Kulmiye isagaa mucaaridnimo iskugu filan. Mucaaridnimadaas Kulmiye gudahiisa aakhirkii waxay soo dadajisay inuu Madexweyne Siraanyo ka tanaasulo inuu mar labaad isa soo sharaxo, musharaxnimadiina uu ku wareejiyo Muuse Biixi,  kuna taageero oo isaga dabadii uu kursiga ku hubsado.
Doorashadii 2017 waxa ku guulaystay Madaxweyne Muuse Biixi  oo ka guulaystay labadii musharax ee kale ee Ciro iyo Faysal. Muse Biixi inkasta oo uu ahaa nin iin sayaasadeed oo badan leh, boogo badan oo la damqi karana leh, hadana umay suurto galin Musharaxiintaas la tartamaysay siiba Cabdiraxman Maxamed Cabdilahi Ciro oo ahaa Musharaxii ugu tunka weynaa inuu ka faaiidaysto fursadaas oo uu Dadweynaha usoo bandhigo shakhsiyada  Muse Bixi, waxaana dhacday in agnaanimida iyo karti darada Mucaaridka uu Muuse ka faaiidaysto si yar oo fududna uu ku noqdo  Musharax Guulaystsay. Inkastoo Dadweynahii u codeeyay Xusbiga Wadani ay ka godeedeen qaabkii darnaa ee loo shaaciyay Natiijadii Doorashada iyo hab dhaqankii xukuumadii xiligaas jirtay ee Siraanyo hadana Dadweynaasi ma helin hoogan adag oo hor kaca.
Mudadaas sadexda sano  ah ee Muuse Biixi  hogaanka Dalka hayo waxa uu ku naaloonayaa Maamul bilaa mucaarid ah, waxaanu Dalka u maamula sidii Bakhaar uu leeyahay isagoo curyaamiyay Maxkamadii sare ee Dastuuriga ahayd iyo Golayaashii Sharci dajinta oo noqday qaar aan gudan shaqadii ay qaranka u hayeen.
Ma muuqato ilaa hada is habayn ka muuqata Xusbiga ugu wayn ee mucaaridka ee Wadani, waxayna taasi niyad jab weyn ku noqonaysaa shacbi weynaha reer Somaliland ee aan dhinacna u fayoobin meel ay u ciirsadaana aan haynin oo mucaaridkii iyo muxaafidkiiba ay iskaga mid ka noqdeen.
Waxaynaan odhan karnas Muuse waa Madaxweynahii ugu nasiibka badnaa intii madaxweyne ee Somaliland soo maray, mucaaridkiisuna waa kaas gaadhiga Hyndia ah la hanka ah. Mucaaridka Somaliland waa Cabaadahii ku Jiray ruwaayadii Caanka ahayd ee uu alifay Maxamud Tukaale  “Hablayahow hadlaad guursan doontaan”. Cabaade waxa uu ruwaayadaa ku mataalayay nin aan dhamayn laakin Hooyadii ayaa Aabahii ku darqiyeeysay inuu Inankeeda u guuriyo oo inaabtidii oo aqalkooga joogta lagu daro, Aabahii oo og in inankiisii aanu wali guur diyaar u ahayn ayaa inankisii cabaade waydiiyay “Aabe miyaa kuu guuriyaa mise nacnac  baa ku siiyaa!! ?, inankiisii cabaade waxa uu doortay nac nacii. Mucaaridkeenu mid waynu ognahay oo waa Faysal Cali  xaalkiisana laynooga sheekeen maayo ee Cirona ma waxuu rajeenayaa isaga oo sidana in kursi laga soo shaqeeyay lagu fadhiisiyo?.
Allaa Mahad leh
Abdi_ayanle Ismail Abib

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker