QURBEJOOGTA REER SAMAKAAB CALI: TACSI, BAAQ IYO TALO SOO JEEDIN

Innaa Lillaah wa inaa Ileyhi raajicuun. Waxaan marka ugu horreysa ka tacsiyadaynaynaa geeridii naxdinta lahayd ee ku timid marxuum Maxammed Cabdiraxmaan Cali Shire. Marxuumka waxaa lagu dilay magaalada Laascaanood isagoo ka soo baxay salaaddii cishe. Marxuumkan waxa dilkiisa gaystay koox abaabulan oo gudo iyo dibedba isku xidhan. Sida aannu wararka ku helayno gacan ku dhiiglayaashii way baxsadeen iyagoo taakulo ka helaya sharwadayaal kale oo dhaqaale, talo iyo tilmaanba ku bixiyey baxsashadooda.
Haddaanu nahay qoyska reer Samakaab Cali waannu soo dhoweyneynaa tacsida maanta xubnaha guddiga reer Faarax Cali ee qurbuhu soo saareen. Waxaase looga fadhiyaa inay soo raaciyaan sidii falkan dhacay wax looga qaban lahaa. Sida la ogyahay dhacdadii u danbeysey ee Taleex lagu beegsaday Baarweyn Cumar Cali oo jifada reer Faarax Cali ka soo jeeday ninkii falka geystay reer Samakaab Cali way soo qabteen waxayna u soo gacan geliyeen qoyskii dhibku soo gaadhay. Waxaannu ku talinaynaa si dhibku meeshii hore aanu u dhaafin in dhacdadan u danbeysa gacan ku dhiiglayaashii geystay laga hawl galo sidii loo soo qaban lahaa. Taasi waxay qayb ka qaadanaysaa dadaalka loogu jiro nabadaynta iyo in dhibku aanu halkaa sii dhaafin.
Sida aan ognahay, falkani wuxuu ku soo beegmay iyadoo muddooyinkii u danbeeyey waxgaradka reer Taleex gudo iyo didedba ku hawlanaayeen sidii loo soo afmeeri lahaa khilaafaadkii hore ee soo jiitamayey. Guddiyo isugu jira dibed iyo gudaba ayaa hawlahaas ku hawlanaa, gogol Taleex la isugu yimaaddona waa loo ballansanaa dhowaan. Guddiyadii nabadaynta ku hawlanaa oo ka kooban reer Taleex oo dhan waxay dhowaan si wadajira ula hadleen Caaqil Ismaaciil Maxammed Cali Koore inuu nabadaynta kaalintiisa ka qaato, waxayna ka dalbeen inuu sida ugu dhakhsaha badan dhulkii u tago oo hawshaas uu isagu la wareego siina fududeeyo oo u sii gogol xaadho si gogoshaashi si nadabgelyo ah ugu dhacdo natiijo nabadeedna looga gaadho. Nasiib darro Caaqilku arrintaasi wuu ka caga jiiday wuxuuna niyad jibiyey guddiyadii tolka ee isu xilqaamay hawshan nabadda. Waxa xusid mudan in kaalintii Caaqilka ee nabadaynta iyo isu ururinta tolku ay meesha ka maqan tahay, welina ma muuqato wax astaamo ah oo uu kaalintaas ku gudanayo. Intii dhacdadan ugu danbaysaa dhacdayna wax ficil iyo qawl ah toonna kama geysan Caaqilku.
Gebagebadii, haddaanu nahay qoyska reer Samakaab Cali waxaannu ku dadaalaynaa in samir iyo dulqaad la muujiyo oo aan foolxumadii dhacday mid kale laga daba geyn. Dhinaca kalena waxaannu uga fadhinaa inay ficil ka muujiyaan siday gacan ku dhiiglayaashii usoo qaban lahaayeen si dhibka halkaa loogu xakameeyo. Waxaannu caddaynaynaa inaannu dhankayaga diyaar u nahay in xal loo helo dhibaatooyinkii hore, sidaa si la mida waxaannu dhanka kale ka dalbaynaa inay ka shaqeeyaan sidii loo soo af meeri lahaa khilaafyadii hore, si nabaddii iyo xasiloonidii degaanka loo helo, wada noolaanshihii iyo walaaltinnimadiina dib ugu soo noqoto.
Mahadsanidin.
Guddiga Qurbejoogta Samakaab Cali

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker