TikTok oo la doonayo in laga mamnuuco Ken

Codsi la doonayo in barta TikTok looga mamnuuco gudaha Kenya ayaa loo gudbiyay baarlamaanka iyadoo loo sababeynayo inuu horseeday arrimo liddi ku ah hab nolaleedka xasilloonid aku dhisan ee bulshada.

Afhayeenka baarlamaanka Kenya Moses Wetang’ula ayaa sheegay in codsiga uu soo gudbiyay Bob Ndolo, isla markaana uu ku eedeeyay TikTok in ay xog muhiim ah ka ururinayso isticmaaleyaasheeda, taa oo u baahan sida u qabo ninkaan in laga feejignaado.

Codsadaha ayaa sidoo kale sheegay in bartaan”ay kor u qaadayso rabshadaha, adeegsiga waxyaabaha liddiga ku ah dhaqanka, iyo soo bandhigidda wax aaney sax aheyn in bulshada lala wadaago.

Hogaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wah ayaa ka soo horjeestay mamnuucida TikTok, wuxuuna sheegay in ninka dacwadda soo gudbiyay ay ahayd in taa badalkeeda uu ku baaqo nidaaminta isticmaalka bartaan.

Dawladdu 2-dii Agoosto waxay sheegtay inay dib u eegis ku samayn doonto shuruucda internetka si wax looga qabto dhibaatooyinka ka dhasha muuqaallada lagu wadaago bartaTikTok

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker