INTAADAN BUUGG QORIN IS QIIMMEEH Qalinlayda Cusub Oo Qiimo tiray Qorista Buugaagta.

Mihnadda qoraaanimadu Waa hibbo  iyo Hal-abuur Eebbe ku galaday Dadka Qaar ka Mid ah oo leh Xirfad iyo Xeeldheeri, ay Innoogu tusmeeyaan, Waayaha iyo Wacyiga Nolosha Weheliya oo isagu jira kuwo taban iyo kuwo togganba.
Haddaba Inta Aanan u gelin Dulucdda Dhigmadan, Waxaan aad u dhiirigelinayaa Dhalinyarada qalinlayda ah ee Somaliland iyo guud ahaan Soomaalidaba, kuwaas oo u hamoonaya in ay Innoo Weeleeyaan dhigalkeenna iyo Afkeenna hooyo, ee hoddanka ah.
Haddaba beryahan waxaa soo batay Dhalinyarada qalinlayda ah ee soo bandhiga buuggaata ay qoraan, Sideedaba Mihnadda qoraaanimadu waa qayb wayn oo ka mid ah Cilmibaadhista (Research). Sababatuna Waxa weeye Marka qofku u Yeel qaato in u buug qoro  wuxuu u baahanyahay  In uu Soo Ururiyo  Xog iyo Aragti baddan oo ku Saabsan Mawduuca u buugga ka qorayo.
Haddaba Marka  aad booqatid goobaha  dhigaalka  Sida Laybareeriyada  (Library) iyo Magtabadaha Waxaa markiiba inadhahaagu qabanayaan buugaag tiro baddan oo yaalla goobaha Akhriska, buggaagtaa waxa inta baddan qoray dhalinyaro, u hamuun qabta qoraalnimada lkn Marka aad wakhti u hurto in aad Akhrido  Waxana ka faaii’do Indhuhuna ku daallaan buuggataa faraha badan ee Yaalla goobaha dhigaalka waxaa kuu Soo baxaya dhaliilo  waa  wayn iyo goldaloolooyin baddan oo ka Muuqata Xirfad iyo garaadka  qorayaasha da,yarta ah.
 Inta baddan dhalinradu waxay wax ka qoraan arimaha bulshada, Sida Suggaanta, Jacaylka, guurka, dhaqanka iyo Wixii lamid ah.
Ugu horrayn In u qofka wax qoro waxaay ku xidhantahay awoodiisa Xirfadeed iyo Waayo aragnimo ee qoraagu leeyahay,
Daaahfurka  buug Cusub waa Mid ku baddan indhaheen iyo dhagaheena  lkn   dhadhanka qoraalka iyo dhaxalka buuggu Waa Mid Caato ah oo aan u qalmin In la Soo bandhigo. Sababtuna waxa weeye buugga waa la qorikaraa Xafladna waa loo qabankaraa lkn waxa ku qoran Mayihiin kuwo Mucjiso ah u qalma in la’la shir Yimaaddo.
Sidoo kale Qofka qoraalka Samaynaya  waxa lagama Maar maan ah  in u galo Safarro iyo Suuddaal dheer oo ku qotoma Xog raadis, taasina waxay Xaqiijinayasaa  Milgaha  iyo Macquulnimadda buugga.
tusaale ahaan Marka taariikh la qorayo waxaa loo qaybiyaa labbo, tagto iyo joogto, waxaana afka qalaad lagu dhahaa (primary and secondary sources)
Marka Wax laga qorayo tagta hore waxaa Muhiim ah in aad raadis dadkii goob jooga ka ahaa Mawduuca aad wax ka qorayso, Sidoo kale waa in aad raadisaa dhiganihii iyo dhaxalkii laga reebay haddii ay jiraan.
Sidoo kale Haddii aad wax ka qoraysid  Milanka la joogo waa in aad la wadaagtaa dhigaalkaaga Cid kasta oo aqoon iyo Waayo aragnimo u leh  Mawduuca aad wax ka qoraysid   Wana in aad Soo Xigatid dhiganayaal lamid ah  buugga aad qoraysid. Sidoo kale waxaa muhiim ah in aad Waraysiyo layeellato  Lana waddaagto Qoraalkaaga kana qayb geliso Xeeldheerayaash  lagu qaderiyo dhiganaha aad qalinka u qaadatay.
Cabdixaafidm2016@gmail

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker