Qaabkee lagu soo badbaadiyay gabadhii lagu afduubtay Nairobi?

Booliska Kenya ayaa sheegay in shalay ay ku guuleysteen inay soo badbaadiyaan gabadh maalmihii lasoo dhaafay maqneyd oo lagu afduubtay Nairobi.

Laanta dambi baarista ee Kenya ayaa shaacisay in Xafso Maxamed Luqmaan laga soo badbaadiyay kooxihii afduubka geystay xilli ay ku hayeen guri cidla oo mugdi ah oo ku yaalla xaafadda Kayole ee magaalada Nairobi.

Waxay booliska intaas ku dareen in gabadha lagu khasbay inay ku dhex jirto mid kamid ah haamaha lagu keydsado biyaha.

Qoraal ay laanta dambi baarista Kenya soo dhigtay barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in nabarro dhanka wajiga iyo gacmaha uu ka muuqdo sidaas darteedna haatan loola cararay cisbitaal si xaaladdeeda loo daryeelo.

“Haweeneyda waxaa wajigeeda iyo gacmaheeda ka muuqday nabarro, durbadiiba waxaa loola cararay cisbitaalka si loo daweeyo”

Waxay booliska qabteen in nin 24 jir ah oo la sheegay in uu ka qeyb ka ahaa dadkii afduubtay Xafso Maxamed Luqmaan.

“Nin 24 jir ah oo ka qeyb ahaa dadkii afduubtay Xafsa ayaa la xiray, haatana waxaa su’aalo weydinayaa baarayaasha si uu sharraxaad ugu bixiyo falalka afduubka ah si uu uga caawiyo in lasoo qabto dambiilayaasha kale” ayaa lagu yidhi warka kasoo baxay booliska.

Booliska waxay digniin u direen qof kasta oo damacsan in uu ku kaco falal lamid ah dambigan isla markaana ay dadaal kasta ku bixinayaan sidii loo soo qaban lahaa dadka arrin noocaas ah ku lug leh.

Waxaa lagu soo warramayaa in kooxihii gabadha afduubtay ay isaga carareen goobta ka hor inta aysan soo gaarin booliska, sida uu ku warramaya wargeyska The Standard.

Wargeyska oo soo xiganayo booliska ayaa sheegay in xafso aysan waxbo cunin maadaama ay diiday cuntadii ay u keenayeen kooxihii qafaashay.

Waxay shacabka uga mahadceliyeen la wadaagidda xogta u suurtagelisay badbaadinta Xafso Maxamed Luqmaan.

Xafso Maxamed Luqmaan oo 23 jir aheyd ayaa la waayay 15-kii bishan Juun xilli ay ku sugneyd xarunteeda ganacsi oo ku taalla xaafadda Islii. waxaana la rumeysan yahay in lala qafaashay gabadh kale oo la yiraahdo Xafso.

Muuqaal argagax leh oo lagu bahiyay baraha bulshada oo ay ka soo muuqatay gabadhan lasoo daayay, waxay sheegtay in kooxda haysata ay doonayaan illaa $50-kun oo dollar oo madax-furasho ah.

Muuqaalka waxaa ka muuqatay gabadha oo indhaha ay u xiran yihiin, wejigeedana uu ka muuqday jir-dilay, waxay ku tiri: “Waa la i afduubtay, lacagna way rabaan. Fadlan soo dira”.

Kenya waxaa aad looga hadal hayay agfduub loo geystay gabdho Soomaali ah oo lagu afduubtay Kenya, waxaa la helay qaar kamid ah gabdhahan iyadoo mid kamid ah meydkeeda laga helay magaalada Mombasa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker