HALKII LAGA SUGAAYIYO RAGU SEEGE TIISII!!!!!!

Sida ay diinteena islaamku in badan ka waramayso waxaa ilahay aduunyada khaliif ama masuul uga dhigay waa raga, isagaana masuulka ah aduunyada ilahay ka sakow tusaale ahaan hadaad ka soo bilawdo qoyska waxaa ilahay masuuliyada saaray waa nin ka oo isagaa lagu amray inuu ka sheqeeyo quudinta iyo hore u socodka qoyska gabadhuna waa kaaliyihiisa dhinaca guriga wixii talooyin wax ku ool ahna way siinaysa.

Waxaana muran madoon ah in hadii uu ninku kasoo boxo masuuliyada qoyskiisa ka saaran uu qarana hogaamin karo waxaana aynu taasi ku cabiri karnaa murtida ah NINKII QOYS DHISAA QARAN DHISA, sababtoo ah marka qoysku dhismo ayuu qaranku dhismaa qarankuna waa qoysas isku tagay oo fara batay xoogoodana isku geeyay.

Hadaan intaasi kaga imaado hordhacaasi gaaban waxaad maanta la wada socotaan in ragii in badan oo kamid ahi ay gabeen kaalintoodii ay bulshada ku lahaayeen masuuliyadii saarnaydna aanay fahamsanay oo ay fadhiid noqdeen ilbaxnimo iyo hore umarna moodeen cunista qaadka iyo fadhiga maqaaxiyaha dabeeto ay qaateen magaca loo yaqaano fadhi ku dirir.

Waxay dayaceen xaqii ilahay ku lahaa ee ahaa caabudaada rabi waxaa kale oo ay dayeceen masuuliyadii qoysaskooda isla markaana waxay dulmiyeen nafahooda oo waxay ku hogaamiyeen meel aan la mahadin mustaqbalkeeduna madaw yahay waxaa kale oo ay gacmohooda ku sameeyeey is khaarajin markay qaad ku noolayaal noqdeen.

Maanta hadaad u fiirsato qoysaskeena dhaqaale ahaan waxaa  u guntaday oo xambaaray waa hooyooyinka oo hadaad salaada subax masaajidka aado waxaad wadooyinka ku kulmaysaan hooyooyin yaacaya dhaxanta iyo mugdiga aad aragteena wajiga u dhigaaya iyagoo raadinaaya wixii caruurtoodu ku noolaan lahayd markaad u sii kuur gashana in agoomaha ah ama ragoodu xanuun hayaa waa yartahay waxaa badan inta ku dhahaysa waa iska joogaayoo waxba nooguma fila waliba aniguu qaadka I waydiiyaa  runtii hadaad qalbi jilicsan tahay waad ooyaysaa markaad weedhan maqasho.

Runtii waxyaabaha ugu waaweyn ee ragii sidan ka dhigay ee masuuliyad darada baday ee fadhiidnimada baday waa qaadka oo dhabtii inagu haya dagaal weyn una baahan in lala jihaado dagaal adagna lala galo, waxyaabaha kale ee qaadku fadhiisiyey waxaa ka mid ah inaa dhulkeena tabcano oo wax kala soo baxno isla markaana baahiyeheena ku daboolo waayo waxaa dhab ah in dhulkeenu ku wacan yahay falashada ama beerashada waxaad cunto daayoo waxaad kala soo bixi kartaa malaayiin lacag ah.

Waxaa kale oo ilahay inoogu deeqay xoolo nool oo runtii lagu tilmaamo kuwan aduunka ugu wacan hadaad iyaga dhaqatana waxaad mudo kooban ku noqon kartaa qani tusaale hadaan ku siiyo waxaad ka soo qaadaa inaad leedahay ood dhaqatay 20 neef oo geela waxaa ka dhalay shan ka mid ah waxad ka listaa hashiiba shankoob oo caano ah koobkiina waxaad ku gadaa hal doolar maalintii waxaad macaashaysaa 25 dollar bishiina waxaad macaashaysaa 750 dollar, sanadkiina waxaad macaashaysaa 9000 dollar.

Taasi oo macneheedu tahay walba waxaad dhisan kartaa guri ama waxaad abuuri kartaa meherad ganacsi dabeeto waxaad mudo kooban ku noqonaysaa hantiile balse waxa dhibaato ka joogtaa ayaa ina fahamsiiya taasi ragii taasi fahmi lahaa waxay faan iyo ilbaxnimo moodeen cunista qaadka iyo fadhi ku dirirka, waxaa kale oo ay wakhtigooda ku lumiyaan ka sheekaynta qabyaalada iyo qudhunkeeda.

Guntii iyo gaba gabadii waxaan raga u soo jeedinayaa oo leeyahay waar masuuliyada ilahay ina saaray waa la inagala xisaab tamayaa maalin maalmaha ka mid ah oo aan dheerayne aan qaadno oo ka soo baxno doorkeena.

HALKII LAGA SUGAAYIYO  RAGU SEEGE TIISII!!!!!!!

W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED ( ABU CIZA)

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker