Somalidii ugu Horraysay ee dalka Canada oo Lagu Muday Tallaalka Xanuunka Covid19
Sahra Kaahiye, oo ah gabadh Soomaali ah oo ka howlgasha isbitaal ku yaala magaalada Alberta ayaa noqotay qofkii ugu horreeyey ee ka soo jeeda Alberta ee qaata talaalka Covid-19.
Sahra ayaa sheegtay in qaadashada talaalkan ay u ahayd mid Taariikhi ah .
“Markan subixii soo kacay ma filaynin inaan noqdo qofka kowaad ee Alberta ka qaata talaalka covid-19,” Ayey tidhi.
Shaqaalaha caafimaadka ee labada magaalo ee ugu waaweyn gobolka ayaa ugu horreyn qaadanaya talaalkan cusub ee cudurka coronavirus.
Sahra ayaa sheegtay in Irbaddan ay la mid tahay kuwa kale ee caadiga ah, balse aysan dareemin wax culays ama xanuun ah.
Waxa ay sidoo kale sheegtay in ay rajaynayso in madaxa midowga Haweenka iyo carruurta Soomaalida ay tusaale u noqon doonto si ay u Ogaadan in daawadan ay tahay mid aanan khatar lahayn meel walbana mar dhaw laga heli doono.
Sahra, a respiratory therapist in Edmonton, just became the first Albertan to receive a COVID-19 vaccine.
Many thousands more to come. Hope is on the horizon! pic.twitter.com/zFZM4Hryy2
— Jason Kenney (@jkenney) December 15, 2020