INAGOO FALASTIIN OO KALE AH, OO DHAGXAAN TUURAYNA, WAA LA ARKI DOONAA
Inaad Hogaamiye wanaagsan noqoto waxaa ka horaysa inaad leedahay Mabaadii’, Qiyam, iyo Nadariyad qowmi ah oo ku qotonta inaad noqoto mid dhaxal wanaagsan ifka ku reeba ayaamaha uu nool yahay, si ay jiilasha danbe u noqdaan kuwo uu ku dayasho suuban u noqdo raadkii aad reebtay, isla markaana u sii xaadha bay’ad iyo deegaan xasiloon, oo horumar iyo badhaadhe u leh jiilasha danbe ee aan weli dhalan, si aanay meel cidlo ah ugu soo dhicin. Marka la eego sida aynu u fekero mujtamac ahaan,Aaabe iyo hooyo kastaa waxay xooga saaraan inay ubadkooda dhaxal aduunyo iyo mid aakhiroba uga tagaan inta ay nool yihiin si aanay geeridooda kadib asaagood u dawarsan, laakiin, mujtamac ahaan uma fekero inaynu ubadkeena uga tagno Waddan dhaxal wanaagsani yaalo, oo dunida qayrkiis ahi majeerato, si jiilasheena u noqon kuwo dawarsada jiilasha la midka ah ee ku nool dhulalka kale ee qayrkood ah. Hooyo iyo aabe ahaan Weli ma is weydiinay, Muxuu macno u samaynayaa caruurteena dhaxalka aynu qoys ahaan uga tagno, haddiiba dalkii iyo dadkii uu ka mid ahaa uu dhaqaale ahaan, dhaqan ahaan, bulsho ahaan, iyo siyaasad ahaanba burbursan yahay? Tusale ahaan, Intii u dhaxaysay, qarnigii 15-20 aad waxaynu awoowayaasheenii hore ka dhaxalnay taariikh inteeda badnayd taban tahay, oo ku qotontay in qabaailku is weeraan, oo xoolaha kala dhacaan, kadibna isu teriyaan gabayo ku qotoma wiidhsi, faan, iyo goodi ku aadan midba kan kale wixii uu geystay, tanina waxay ahayd, sidii loo fekerayay, ama loo noolaa dawladnimada ka hor, laakiin, nasiib darro, inagoo ku jira qarnigii 21-aad oo dadyowga kale hawada sare isku haystaan, inagu weli waxaynu taaganahay halkii awoowayaasheenii tegay taagnaayeen qarniyadaas hore, oo wax cusub lamaynaan iman si kastoo aynu wax dawlado loogu yeedho u yeelanay.
Madaxda Soomaalida ee Maanta
Tan iyo 1960-kii, Soomaalida dawladihii kala gedisnaa ee ka dhashay halkaas, weli kama dhalan hogaamiye leh aragti wadaniyadeed, oo wadata istraatijiyad qaran oo uu dadkiisa ku hogaamiyo, aragtidoodu kama badnayn labo arimood oo kala ah: 1) inuu ka fekero sidii uu kurisga ugu sii waari lahaa abid 2) Hanti urursi iyo Maal urursi, iyagoo umadooda ku isticmaala qaacidadii ay gumaystaha kazoo minguuriyeen ee qaybi oo xukun ku qotontay, foormuladan isticmaalkeeda waxaa hidda u leh hogaamiyayaasha dibu-socodka ah ee dantoodu kala weyn tahay tan umaddooda, laakiin , hogaamiyayaasha horusocodka ahi waxay isticmaalaan qaaciido tan ka duwan, oo ah, in midnimadda iyo wadajirka bulshadda la xoojiyo, kadibna loo jiheeyo dhinaca horumarka, jacaylka kursigana waxaa kala weyn muxibadda ay u qabaan inay arkaan dadkooda iyo dalkooda oo horuukaca, mana ah kuwo sii jeclaysta inay kursiga ku sii waaraan, taas bedelkeeda, waxay barbaariyaan dhiig cusub oo fikirkooda iyo aragtidooda hogaamineed ku qalabaysan oo halkaas kasii wada geediga iyo hayaanka guusha.
Tayada kuwa maanta jooga
28 kii sanadood ee u danbeeyay taariikhda dawladnimadda Soomaalida, kuwa maanta joogaa waa kuwii ugu liitay ee abid ina soo mara, bal u fiirso Akhriste, hanka iyo dabeecadaha hogaamineed ee kuwa maanta hogaamiyayaasha ka ah dhulweynaha soomaaliyeed meelkasta oo uu yahayba, Afartan arimood ayaa saldhig u ah damacooda hogaamineed:
- Inay ka tanaadaan maalka umadda masaakiinta ah ee masiirkoodii ku aamainay
- Inay xejistaan kuraasida ay ku fadhiyaan, si damacooda iimaan la’aanta iyo damiir xumadda ku qotomaa usii waaro, iyagoo bulshada soomaalida qolo-qolo isaga hor keenaya, oo midba kan kale cadow uga dhigaya, Akhriste, Sidee bay umadd xoogeedii, caqligeedii iyo Quluubteediiba ay qaybiyeen kuwii hagayay ay horumar iyo barqaawo u tiigsan kartaa? Sidee bayse Umad iyadii caddow laysaga dhigay, u arki kartaa caddow dibadeed? CAJAAIB!
- In mid waliba quwado shisheeye ku tiirsado, isagoo fulinaya dhamaan danaha ay ka rabaan, xataa haddii uu dalka wareejin karayo.
- Hantida ay umadda ka xadaan, waxay daaro dhadheer iyo guryo qurxoon kaga iibsadaan wadamo shisheeye oo hogaamiyayaal iyagoo kale ahi horu-maryeen, xataa dhulalka ay hogaamiyaysaha ka yihiin waxay u quudhi waayaan inay hantidii ay ka xadeen dib ugu maalgeliyaan si dadkii lahaa wax uun ugu soo noqdaan.
Gebagebo:
Isku soo wada Duuboo, Fashilka dawladnimada Soomaalida haleelay waxaa sabab u ah wadaniyad xumida iyo aragti la’aanta hogaamiyayasheedii siyaasiga ahaa, kuweedii dhaqanka iyo aqoonyahanka fadhiidka ah oo is barkan, isla markaana qabyaalad ehel mooday, iyadoo gobol walba kan xiga caddow looga dhigay, Ethopia iyo Kenyana Walaal looga dhigay, taasina waxay fursad siisay in shisheeyuhu sida uu rabo uga muraadsado dhulkeenii, haddii ay sidan ay tahay kusii socotana, waxaynu ku danbayn doonaa sida Falastiin oo kale.
Aakhirka, Haddii aynaan sida aynu u noolahay iyo sida aynu u fekerayno maanta wax laga bedelin, oo aan caqliga la magansan, waxaana la arki doonaa iyadoo dalka shisheeye inaga qaaday, oo aynu meelaha dhagxaan iyo Taayiro gubayno sida Falastiinta maanta, Waxaanan hubaa inaan dad badani aanay la dhaci doonin qormadaydan marka loo eego sidaynu haatan u fekerno oo aan waaqici ahayn.
NB: Nina Umaan Dhaweyn, ee Cidlaan Dhaabay waran kaas.
Qalinkii, Hussein Mohamed Mohamoud (Xuseen-laki)
Burco, Email, husseinlucky@hotmail.com