Siyaasi Talyaani Ah Oo Loo Doortay Guddoomiyaha Cusub Ee Barlamaanka Europe

Siyaasiga David Maria Sassoli oo ka tirsan Xisbiga Soshal Dimuqraadig  (Social-Democrat )ee dalka Talyaaniga ayaa ku guuleystay Tartankii Guddoomiyaha cusub ee Barlamaanka Europe ee European Parliament.

 

Xildhibaanadda Barlamaanka Europe waxay qabteen Wareeg 2-aad oo Cod-bixinta Guddoomiyaha Cusub, kadib, markii ay Afarta Murashax ka heli waayeen tiradii loo baahnaa Wareegii 1-aad ee Cod-bixinta.

 

Doorashadaasi oo maanta lagu qabtay Xarunta Barlamaanka Europe oo ku taalla magaalladda Strassbourgee dalka Faransiiska ayaa waxa uu Siyaasiga David Maria Sassoli helay 345 cod, halka Murashaxa 1-aad ee ku xigay ee Jan Zahradil oo u dhashay dalka Jambuuriyadda Czech uu helay 160 cod.

 

Guddoomiyaha cusub ee Barlamaanka Europe  oo horey Saxafi TV ahaa waxaa uu Aragti wanaagsan ku dhex leeyhay dalka Talyaaniga, balse, caan kama ah Caalamka.

 

Waxa uu sheegay inay  Europe xoog yeelan karto, marka uu Barlamaanku door muhiim ah ka ciyaaro arrimaha Europe.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker