Koox Falastiiniyiin ah Oo Madaafic Ku Weeraray Israa’iil

Maleeshiyaad Falastiiniyiin ah oo ku sugan Qaza ayaa dhowr madaafic ku weeraray Israa’iil dhacdadaasi oo noqotay weerarkii ugu waynaa sanado badan ka hor dhaca.

Waxaa lagu soo warramaya in 28 madaafic ay Falastiiniyiintu ganneen, inta badan waxaa qabtay ciidamada difaaca ee Israa’iil, mid kamid ah madaaficda ayaa ku dhacay goobo Iskuul ah wuxuuna dhaawacay qof shaqaale halkaasi ka ahaa.

Warbaahinta Falastiin ayaa kusoo warramaysaa in markii dambe taangiyada dagaalka Israa’iil ay weerar ku qaadeen Marinka Qaza, inakstoo wax dhaawac ah lasoo sheegin.

Qalalaasahan ugu dambeeyay ayaa imaanaya xilli toddobaadyo ka hor ay xadka Qaza iyo Israa’iil hareeyeen dibadbaxyo in ka badan 100

Falastiiniyiin ah lagu dilay.

Militariga Israa’iil waxay sheegeen in madaaficda lagu garaacay goobo dhowr ah oo Israa’iil ka tirsan, madaafidcda inta badana ay gacanta ku dhigeeen.

Wakaaladda wararka Falastiiniyinta ee Wafa ayaa sheegay in Israa’iil ay ugu yaraan 10 madaafic kusoo weerartay deeganno ka tirsan bariga Qaza kaddib markii weerar lagu qaaday.

Ciidamada difaaca ee Israa’iil ayaa sheegay mar sii horreysay in maleeshiyaad ku sugan Qaza ay weerar ku qaadeen magaalada xadka ku taalla ee Sderot balse wax dhaawac ah uusan jirin.

Rabshadahan ayaa imaanaya xilli taangiyada dagaalka Israa’iil ay afar maleeshiyaad ah ku dileen Qaza, mid kmaid ah xubnaha ururka Xamaas ayaa isniinitii la dilay kaddib markii la sheegay inuu xadka kasoo tallaabay, isku day weerarna uu samayn rabay halka Axaddii saddex qof oo ka tirsana koox jihaaddoon halkaasi lagu dilay kaddib markii la sheegay inay maleegayeen weerar miino, sida laga soo xigtay ciidamada Israa’iil.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker