Dal lagu eedeeyay inay wasiiradisu u noolyihiin “sida fannaaninta caanka ah”

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in golihiisa wasiirada cusub ay yihiin kuwo maal-qabeena ah, wuxuuna sheegay inay ka go’an tahay inuu dib u habeyn ku sameeyo dowladda.

Hogaamiyaha Isbahaysiga Dimuqraadiga (DA) John Steenhuisen ayaa madaxweyne Ramaphosa baarlamaanka gudahiisa ka weydiiyay inay cadaalad tahay in wasiiradu ay “u noolaadaan sida fannaaniinta caanka ah” halka muwaadiniinta ay ku nool yihii nolol caadi ah.

“[Waxay leeyihiin] 98 guri oo qiimahoodu ka badan yahay bilyan rand, waxay helaan koronto iyo gawaari bilaash ah oo kuwa raaxada ah oo heersare ah,” ayuu yiri Mr Steenhuisen.

Mr Ramaphosa ayaa beeniyay sheegashada hogaamiyaha mucaaradka ee ah in Koonfur Afrika ay leedahay golaha wasiirada ugu badan adduunka, isaga oo sheegay in wadanku “la mid yahay waddamada kale”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker