”Musuqmaasuqu wuxuu caqabad wayn ku yahay horumarka. Wuxuu wiiqayaa dowlad-dhisidda ..”

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, oo ka hadlay maalinta caalamiga ah ee la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa sheegay in Soomaaliya wali dhibaato ku qabto musuqmaasuqa uuna rajo ka qabo in laga gudbo.

James Swan, ayaa sheegay in musuqmaasuqa ka jira Soomaaliya uu caqabad wayn ku yahay horumarka dalka sidoo kale uu wiiqayo dedaallada ku aaddan dowlad-dhisidda, nabadda iyo dib-u-heshiisiinta.

”Musuqmaasuqu wuxuu caqabad wayn ku yahay horumarka. Wuxuu wiiqayaa dedaallada ku aaddan dowlad-dhisidda, nabadda iyo dib-u-heshiisiinta. Sidoo kale wuxuu wiiqayaa kalsoonida shacabka, wuxuuna wiiqayaa hay’adaha dowliga ah iyo awooddooda ay ugu adeegayaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yidhi Mr. Swan.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sidoo kale soo dhaweeyay in dowlada Soomaaliya ku biirtay Axdiga Qaramada Midoobay ee ka hortagga musuqmaasuqa, waxa uuna sheegay in kubiirista Soomaaliya axdigan uu yahay talaabo horey loo qaaday.

Qaramada Midoobay ayaa taageertay sida ay uga go’an tahay Dowladda Faderaalka ah dhanka hirgelinta dib-u-habaynta lagu xoojinayo dawladnimada iyo in la yareeyo u nuglaanshaha musuqmaasuqa.

Axdiga Qaramada Midoobay ee ka dhanka ah musuqmaasuqa (UNCAC), oo ay Soomaaliya ka noqotay xubin-Dowladeed 11-kii Agoosto 2021, waa aalad caalami ah oo muhiim ah oo lagu joogteeyo, lagu maareeyo lagulana socdo dagaalka waddamada ee ka dhanka ah musuqmaasuqa. Waa aaladda kaliya ee si sharci ah ugu xiran adduunka ee la dagaalanta musuqmaasuqa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker