“… Berbera Waxa Jooga Maayir aad u ixtiraama Shaqada Qaranka, oo Saacad Walba laga Helaayo Dhul Wasaaraduhu Waxka Dhistaan”. Maareeyaha Dekedda Berbera Md. Siciid Xasan Cabdilahi

Maareeyaha Dekedda Berbera Md. Siciid Xasan Cabdilahi, oo Shalay ka qaybgalay dhagax-dhigga Xarun caafimaadka Xoolaha lagu baadho, oo Wasaarada Xanaanada Xooluhu ka hirgelisay Magaalada Berbera, ayaa Maayirka Magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin), ku amaanay bixinta dhulka laga hirgeliyey xarunta Caafimaadka Xoolaha ee Berbera.
Sidoo kale, Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, waxa uu baaq u diray Wasaaradaha dalka, isagoo ka Codsaday inay Magaalada Berbera ka samaystaan wasaarad walbaa dhismayaal iyo xarumo,  kana Faa’iiddaystaan Mudada uu joogo Maayir Cabdishakuur Cidin, oo u sheegay in saacad walbaa laga helaayo dhul muhiima oo qaranka wax looga dhiso. Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi, oo arrimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi,
“… Runtii waan bogaadinayaa Xaruntan lagu baadhi doono Caafimaadka xoolaha Somaliland ee aynu Maanta ka dhagax-dhigayno Berbera, ee Wasaaradda Xanaanada Xooluhu hirgelinayso, Dawlada hoose-na ugu deeqday Dhulkii laga dhisaayey Xaruntaas, waxanan leeyahay waa waxqabad aad u wanaagsan.
Wasaaradaha kalena waxan ugu baaqi lahaa inay ka faa’iddaystaan oo xarumo ama dhismayaal ka samaystaan Berbera intaa uu joogo Maayir Cabdishakuur. Waayo?. Berbera waxa jooga Maayir aad u ixtiraama shaqada qaranka, isla markaana heegan mar walba la ah, danta qaranka, saacad kastana laga helaayo goob kastaa oo qaranku uga baahdo in wax looga dhiso dhul, waxanan Wasaaradaha kale leeyahay ku dayda Wasaaradda Xanaanada Xoolaha”. Ayuu yidhi Maareeyaha Dekeddaha Somaliland Md. Siciid Xasan Cabdilahi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker