Shirkadda Kenya Airways oo joojisay mid kamida duulimaadyadii muhiimka ahaa

Kenya Airways ayaa sheegtay inay hakisay duullimaadyadii ay ku tagi jirtay caasimadda DR Congo ee Kinshasa, sababo la xiriira waxa ay ku sheegtay “sharci-darrada” ay ciidamada sirdoonka ah ku hayaan laba shaqaale ah oo iyaga ka tirsan.

Shirkadda ayaa warkan ku sheegtay Isniintii bayaan ay soo dhigtay X, oo hore u ahaan jirtay Twitter, waxayna sheegtay in “aysan awoodin inay su hufan usii wataan duullimaadyadan shaqaale la’aan”.

Waxa ay sheegeen in hakinta ay bilaaban doonto talaadada maanta ah.

19-kii Abriil, laba ka mid ah shaqaalaha shirkadda ayaa xabsiga loo taxaabay sababta ayaa lagu sheegay in lagu eedeeyay “in la waayey dukumeenti kastam ah”, sida ay sheegtay shirkadu.

Shirkadda diyaaradaha ayaa ku boorisay millatariga Kongo inay u sii daayaan shaqaalaha qoysaskooda.

Dowladda DR Congo ayaan ka hadlin xaaladda

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker