Haweeneyda ugu cadcad inay Venezuela madaxweyne kanoqoto

Haweeney kamid ah hogaamiyayaasha ugu cadcad mucaaradka Venezuela ayaa la sheegay in dowalada a ka joojisay in muddo 15 sano ah ay u tartanto wax xil ah oo dadweynaha soo dooranayaan.

Machado ayaa u muuqata mid ka mid ah dadka ugu cadcad in ay ku guuleystaan doorashada hordhaca ah ee mucaaradka Venezuela ay ku dooran doonaan musharaxooda madaxweyne ee uga qeybgali doona doorashada 2024-ka ka dhici doonta dalka Venezuela.

Sababta Machado looga mamnuucay inay uu tartanto xil dadweyne ayaa lagu sheegya inay taageertay cunaqabataynta Mareykanka ee ka dhanka ah dowladda Nicolás Maduro iyo madaxweyne ku meel gaar ah ee uu horay u taageeri jiray Mareykanka oo uu horay u ahaan jiray Juan Guaidó.

Farriin ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay si toos ah ugu diiday taalabadan iyada ka dhanka ah, waxayna sheegtay in diidmadaasi mid aan waxba kabadaleyn mowqifkeeda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker