Waqtiga Iyo Goobta Lagu Aasayo Marxuum Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise “Sangub” Oo La Shaaciyay

Magaalada Jigjiga ee Xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa Maanta oo Jimco ah lagu wadaa in Aas Qaran loogu sameeyo Marxuum Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise “Sangub”.

Abwaan Sangub oo kamid ahaa Abwaanada ugu weynaa taariikhda Ummadda Soomaaliyeed ayaa maalmo ka hor ku geeriyooday Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya,kadib markii maalmihii la soo dhaafay halkaasi uu ku xanuunsanayay.

 

Aaska Abwaanka ayaa waxaa ka qeyb geli doona Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo isugu jira Xildhibaano, Fanaaniin, Abwaano iyo Masuuliyiin ka socota Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda,kuwaasi oo Maanta u ambabaxay dalka Itoobiya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker