Haddii aad Hooyadaa kala Luntaan 15 Sano Maxaad Dareemi lahayd, Qisso Xanuun Badan

Hooyo u dhalatay dalka Indonesia oo lagu magacaabo Hana ayaa muddo kadib waxaa ay kulmeen wiil ay dhashay oo ay kala maqnaayeen 15 sano.

 

Hooyadan iyo Wiilkeeda oo lagu magacaabo Iwan ayaa kala lumay Sanadkii 2005, xilligaas oo wiilku uu  jiray Lix Sano  , waxaana kala  geeyay Dagaallo ka dhacay dalkaasi.

 

Iwan iyo Aabihii  waxay u Qaxeen dalka Malaysia, waxayna sheekada Iwan soo shaac baxday, kadib markii uu kasoo muuqday Warbixin ay BBC-du  ka diyaarisay dadka Soogaleetiga ah ee ku nool dalka Malaysia balse kasoo jeeda Indonesia.

 

Iwan wuxuu dalkaasi kaga  Shaqeynayay Qaab Soogalootinnimo ah, isaga iyo aabihii-na ma aysan awoodin in ay dib ugu laabtaan dalka Indonesia, maadaama aysan heysan baasabooraddii  ay ku safri lahaayeen.

 

“Aad ayay ii dhibeysaa in aanan  garaneyn halka ay ku sugan tahay Hooyadey , dukumenti aan dib ugu laabto dalkeyga ma heysto, waxaana doonayaa in aan mar uun arko Hooyadey,” ayuu yidhi Iwan oo xilligaas la hadlayay BBC laanta Indonesia.

 

Iwan wuxuu xilligaas BBC-da la wadaagay Sawirrada xilligii uu yaraa, kuwaasoo qeyb ka noqday warbixintii ay baahisay laanta la hadasha Indonesia.

 

Maalmo kadib markii la baahiyay Warbixinta ayaa Iwan Adeerkii oo ay wada joogaan Hooyadii waxaa uu baraha bulshada ku Arkay warbixinta BBC-da oo ka hadleysay dadka soogalootiga ah ee kasoo jeeda dalka Indonesia, balse ka shaqeysta dalka Malaysia.

 

Sawirradii iyo magacii Iwan ayaa waxaa uu la wadaagay Hooyada dhashay wiilka, waxaana taas ay keentay inay lasoo Xidhiidhaan BBC-d, iyagoona weydiiyay halka uu ku sugan yahay wiilkoodu.

 

“Waxaan ogaaday in sawirka uu yahay Iwan, xaaskeyga markii ay shaqada ka timid oo ay guriga timid ayaan tusay sawirrada, waxaanaan ku Idhi , kan ma wiilkaagiibaa? waxay igu tidhi, Haa, waa Wiilkaygii,

waxaana ku idhi BBC-da ayaa Warbixin ka diyaarisay ee aan la Xidhiidhno,” ayuu yidhi Ichal Bin Janaru oo ah Iwan adeerkii, ayna hadda wadajoogaan hooyadii.

 

Markii ay lasoo Xidhiidheen BBC-da ayaa Weriyeyaal katirsan waxay booqdeen hooyada dhashay Iwan, si ay u xaqiijiyaan in wiilka iyadu ay dhashay iyo in kale.

 

Kadib markii la xaqiijiyay in Hana ay tahay Hooyada saxda ah ee Iwan ayaa iyadoo Qiireysan oo ilmeyneysa ayay weriyaha BBC-da weydiisay bal in wiilkeedu uu xusuusto.

 

 

“Ma hubtaa inuu yidhi Hooyadey waa Hana, Alxamdulilaah weligeyba waan ogaa in wiilkeygu uu nool yahay, mana arkin tan iyo markii uu iga tegay, wax Xidhiidh ah naga ma dhaxeynin, Teleefon aan ka wacana kama heynin,” ayay tidhi hooyo Hana.

 

Maalma kadib hooyo Hana waxay u Safartay dalka Malaysia, si ay usoo Aragto wiilkeeda Iwan, markii ay ka Gegtay Albaabka guriga uu degan yahay waxay ku booday wiilkeedii  oo ay isku duubtay iyadoo ilmeyneesa.

 

“Wiilkeyga, waxaan ahay hooyada, waan ku jeclahay, hab isii wiilkeygiiyoow, runtii aad ayaan kuu jeclahay,” ayay tidhi hooyo Hana.

 

Iwan markii ay is marxabeeyeen Hooyadii waxaa uu muuqalaada tooska ah ku wacay walaalladii, waxaana uu u sheegay in mar dhaw  u imaan doono.

 

“Markii hore uma aanan heysan in hooyadey ay nooshahay, balse markii aan indhaha saaray ayaa rumaystay inay nooshahay,”ayuu yidhi Iwan.

 

Marka uu dib ugu laabto dalka Indonesia, waxaa uu heli doonaa dhalashada dalkaasi, markale ayuuna la midoobi doonaa qoyskiisa, inkastoo aan la ogeyn halka uu ku nool yahay aabihii.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker