Gudida Wada-Hadalada Dawlada Federaalka Somalia oo Sheegay inay Diyaar U yihiin Wada Xaajood ay La Galaan Somaliland

Muqdisho (OWN) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan Guddiga u qaabilsan wadahadllada Somaliland ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen sii Amba-qaadista  Wadallada laba Geesoodka ah ee u dhexeeya labada dhinac.

Xildhibaan Cali Axmed Jaamac (Jangali) oo ka Tirsan xubnaha Guddigaasi oo Wareysi gaar ah siiyey laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa tilmaamay in dowladda federaalka ay diyaar u tahay inay Wadahadal la furto  Somaliland.

 

Jangali ayaa carabka ku dhuftay in tan iyo markii uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu Magacaabay guddiga ay wadeen xog Ururin iyo kulamo Wadatashi ah oo ay la lahaayeen qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

 

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daraya in haatan ay sugayaan kaliya dhinaca Somaliland, gaar ahaan guddiga wadahadalladaasi uga qeybgali lahaa.

“Annaga diyaar baan nahay howsheena waa wadnaa  howshaas ma ahan howl ku Xidhan maamul kaliya mid joogaya iyo mid aan xafiis joogeyn, waxaa sugeynaa guddigii nala fal geli lahaa  ee ka imaanaya Somaliland oo Wada-hadalka nala bilaabi lahaa, wax walba oo jira wada hadal ayaa lagu dhameyn doonaa, dad wada hadla ayaa heshiiya.”ayuu yidhi Mr Jaangali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker