Muxuu Sucuudiga u daneynayaa fanaaniinta ugu caansan dunida?

Sucuudi Carabiya ma aheyn dal inta badan lagu soo bandhigo heesaha iyo muusigga balse waayadan dambe waxaa sare u kacay tirada fannaaninta waaweyn ee dunida ee booqashada ku tegayo Sucuudiga si ay masraxyada dalkaas heesahooda ugu soo bandhigaan.

Bishii Janaayo ayay aheyd markii Mariah Carey fannaanadda caanka ah ee reer Mareykan ay booqasho ku tagtid Sucuudiga.

Hadda, koox fannaaniin ah oo ka socota dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa waxay shaaca ka qaadeen in masrax ku yaalla magaalada Riyaadh ay heeso kusoo bandhigi doonaan bisha Oktoobar ee sannadkan.

Haddaba, su’aasha la’isweyddiin kara, waxay tahay, muxuu Sucuudiga u daneynayaa in dalkiisa ay heeso ka qaadaan fanaaniinta ugu magaca weyn dunida?

Maxamed Bin Salmaan waxaa uu sheegay inuu isbaddallo ka sameynayo dalkiisaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionMaxamed Bin Salmaan waxaa uu sheegay inuu isbaddallo ka sameynayo dalkiisa

Dhaqaalaha

Dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan waxaa uu sheegay inuu isbaddallo dhaqaale, mid bulsho uu ka hirgelinayo Sucuudiga, waxay ka mid tahay hiigsiga dalka sannadka 2030-ka si loo arko Sucuudiga casriga ah.

Sucuudiga wuxuu ku tiirsan yahay dhaqaalaha uu ka helo shidaalka in muddo ah balse hadda la’iskuma haleyn karo suuqyada shidaalka.

 

Si isbaddallo loogu sameeyo dhaqaalaha, maalgashi badan dibadda looga soo geliyo, Sucuudi Carabiya waxay isku dayeysaa in dunida ay tusto in Sucuudiga uu ka shaqeynayo furfurnaanshaha dhanka ganacsiga iyo tan bulshaba.

Qorshaha kooxda fanaaniinta ee Kuuriyada Koonfureed ee BTS ay ku tegayaan Sucuudiga, waxay kamid tahay tallaabooyinka dhaqaale xoojinta.

Shaneemo cusub oo lagu furay magaalada RiyadhLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionShaneemo cusub oo lagu furay magaalada Riyadh

Isbaddallada dhanka bulshada.

Meelaha sida weyn uu Sucuudiga diiradda ugu hayo waxaa ka mid ah xoojinta bandhig fanneedyada.

Dad badan oo Sucudiyaan ah ayaa dalka dibaddiisa booqasho ku tegaa si ay u soo daawadaan aflaamta iyo bandhig faneedyada dunida.

Si loo xaqiijiyo in lacagahaas ay faa’ido ugu jirto dalka, wuxuu Sucuudiga furay goobo laga daawado Filimada oo cusub, waxaana halkan lagu marti qaadaaya fannaaniinta dunida si ay heeso uga qaadaan ama dadka ay u maddadaaliyaan.

“Waxay isku dayayaan inay sameeyaan isku xir dhanka dhaqanka ah bulshada dhexdeeda iyo dunida kale” ayay tiri Yaasmiin oo ah gabadh 24 jir ah oo reer Sucuudiga ay u warrameysay barnaamijka BBC ka baxa ee Radio 1 Newsbeat.

Qaar ka mid ah isbaddallada dhacay waxaa ka mid ah in haweenka loo ogolaaday inay baabuurta ku dhex kaxeyn karaan gudaha dalka iyo inay ka daawasho u tegi karaan ciyaaraha.

Fannaanadda reer Mareykan Mariah CareyLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionFannaanadda reer Mareykan Mariah Carey

Fannaaniinta kasoo muuqday masraxyada Sucuudiga

Bishii Disembar sannadkii 2017-kii, Nelly oo ah fannaan Mareykanka kasoo jeedo ayaa heeso ku qaaday bandhig faneed lagu qabtay magaalada Jidda.

Bishii Janaayo, Mariah Carey waxay kasoo muuqatay bandhig faneed waxaana masraxa kula sugnaa fanaaniin ay kamid yihiin Sean Paul iyo DJ Tiesto.

Inkasta oo fanaadadan dhaleeceen loo jeediyay balse waxay ku anddacootay inay u ololeyneysay sinaanta jinsidayaha Sucuudiga.

“Aniga oo ah haweeneydii ugu horreysay ee kasoo muuqata masraxyada Sucuudiga, waxaan aqoonsanahay muhiimadda ay leeyihiin dhaqamada si aan ugu dadaallo sinaanta jinsiyadaha Sucuudiga”

Tartamada lagddanka dunida ayaa lagu qabtay Sucuudiga balse haweenka looma ogleyn inay ka qeyb qaataan.

Haweenka Sucuudiga oo lo ogolaaday baabuur kaxeyntaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionHaweenka Sucuudiga oo lo ogolaaday baabuur kaxeynta

Dadka maxay ka yiraahdeen?

Booqasho la filayo fanaaniinta Kuuriyada Koonfureed ay ku tegayaan Sucuudiga waxaa ka dhashay hadal heyn badan.

Dadka qaar waxay soo jeediyeen in arrinta aan la siyaasadeyn halka qaar kalena ay ku baaqeen in la qaadaco maadama Sucuudiga lagu eedeeyo in uusan qaddarin xuquuqul insaanka.

Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

 

Source: BBC Somali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker