Wakiillo ka socda Sacuudiga iyo Cumaan gaaray Yemen

Wafdi ka socda dalalka Sacuudiga iyo Cummaan ayaa gaaray magaalada Sancaa ee caasimadda Yemen, si looga wadaxaajoodo xabbad-joojin rasmi ah iyo in la soo afjaro faragelinta militariga Sacuudiga ee dagaalka muddada ka socda dalkaasi.

Booqashadan ayaa muujineysa in wadahadallada ay garwadeenka ka tahay Cummaan ee u dhexeeya Riyadh iyo Sancaa ay horumar sameynayaan, dadaalkaasi oo ka barbar socda mid nabadeed oo ay waddo Qaramada Midoobay.

Dadaallada nabadeed ayaa sidoo kale waxaa ay dardar galeen ka dib markii ay dalalka aadka isku haya ee Sacuudiga iyo Iiraan ku heshiiyeen in ay dib u soo celiyaan xiriirkoodii dublumaasiyadeed heshiis uu Shiinuhu dhex dhigay.

Wafdiga oo Sancaa gaaray gelinkii danbe ee Sabtidii ayaa la kulmi doona Golaha Sare ee Siyaasadda ee Xuutiyiinta ee loo yaqaan Mahdi al-Mashat si looga wada hadlo in la afjaro colaadda labada dhinac loona qaado xannibaadda uu Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo kusoo rogeen dekedaha Yemen, sida ay warisay wakaaladda wararka SABA ee hoostagta Xuutiyiinta.

Ilo wareed kale ayaa u sheegay Reuters in wadahadalka Sacuudiga iyo Xuutiyiinta xoogga lagu saarayo in si buuxda dib loogu furo dekedaha ku yaalla goobaha ay Xuutiyiintu maamulaan, iyo garoonka diyaaradaha Sancaa, mushaaraadka shaqaalaha dowladda, dadaallada dib u dhiska, iyo muddada ay ciidamada shisheeye kaga baxayaan dalkaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker