Laba wiil oo walaalo ahaa oo meydkooda laga helay webiga Baladweyne

 

Webiga dhexmara magaalada Baledweyne waxaa saaka laga lehay maydka laba wili oo walaalo ahaa, kuwaas oo shalay ku dhacaya Webiga Shabelle, sida ay xaqiijiyeen ehelada wiilashadan.

 

Labadan wiil magacagyadoodu kala ahaayeen Khaalid Nuur Caddow iyo Faysal Nuur Caddow, ayaa meydkooda laga helay xaafadda Buundoweyn ee magaalada Baladweyne.

 

Waarbaahinta ayaa ku soo warramaya in Khaalid oo ahaa 12-jir iyo Faysal oo ahaa 8-jir ay dhigan jiree dugsi Qur’aan, Isla markaana loo fasaxay farxadda ciidda daraadeed, waxaana geeridooda soo sheegay wiil saddexaad oo la socday.

 

Meelaha looga dabaasho webiga Shabeelle ee magaalada Baladweyne oo ay waxyeello u geysteen fatahaadihii iyo dadadkii sanadihii ugu dambeeyay, Isla markaana aan helin dayactir, aysanna joogin ilaalo gooni ah ayaa sababa dhimashada dhallinyaro badan oo webigan u dabaal taga, kuwaas oo maalmo kaddib uu dibadda u soo tufo meydkooda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker