Quudarayntii Maxamuud Xaashi Oo Daaqada Ka Baxday Iyo Shirweynaha Kulmiye Oo Berri Furmaya

Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa maalinta berri axadda ah waxa Hargeysa uga furmaya shirweynihiisii afraad ee uu qabsado tan iyo markii la aasaasay sannadkii 2002-dii.

Shirweynaha oo muddooyinkii u dambeeyey qaban qaabadiisu socotay, ayaa waxa dhinac socday caqabado horyaalay iyo qorsheyaal la dejiyey oo la doonayey in dibedda lagu sii dhammeeyo ka hor shirweynaha berri.

 

Shirweynaha Xisbiga Kulmiye oo qodobbada ugu waaweyn ee lagu go’aamin doono ay ka mid noqon doonaan doorashada hoggaanka sarre ee Xisbiga Kulmiye sida Guddoomiyaha Xisbiga, kuxigeenka koowaad illaa kuxigeenka afraad, ayaa waxa la filayaa in hoggaanka wakhtigan jooga in hal xubin is beddelo dhammaan inta kalena soo noqoto, iyada oo xubinta is beddeli doontaa ay noqonayso jagada Guddoomiye kuxigeenka Afraad oo wakhtigan Saylici hayo, balse uu beddeli doono Maxamed Xasan Sacad (Saajin) Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga ee Somaliland, kaas oo maalintii khamiistii si rasmi ah u xaqiiqsaday inuu keligii booskaas looga hadhay, ka dib markii Madaxweyne kuxigeenka oo ay maalmihii u dambeeyey ku loollamayeen uu ka hadhay tartankaasi, sheegayna inuu tanaasulay.

 

Saylici iyo Saajin oo muddo laba bilood ku dhow hirdan dibedda ah iyo mid beelahooda dhexdooda dhex marayey, ayaa waxa aakhirkii Saylici sheegay inuu tanaasulay, taas oo dariiqa u xaadhay qorshihii Madaxweynaha Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi in jagada Guddoomiye kuxigeenka Afraad laga dhigo Maxamed Xasan Saajin oo ah nin saameyn siyaasaddeed ku dhex leh Gobolka Awdal, isla markaana uu Muuse Biixi u arkayey inuu noqon karo Murrashax jagada Madaxweyne kuxigeenka ee Xisbiga Kulmiye ee doorashada Madaxtooyada ee dambe.

Qorshaha Madaxweyne Biixi oo uu si xeeladaysan in muddo ah uga shaqaynayey, isla markaana uu in badan isku dayey in aanu loollanka Saylici iyo Saajin saameyn ku yeelan Shirweynaha Afraad ee Kulmiye, ayaa waxa uu qorshahaasi guuleystay khamiistii markii madal ay joogeen Hoggaanka Kulmiye Saylici iyo Saajin iyo Wasiirro reer Awdal ah uu kaga dhawaaqay halkaasi Mdaxweyne kuxigeenku inuu tanaasulay.

 

Qorshahan Madaxweyne Muuse Biixi ee guuleystay, ayaa waxa ka mid ahaa helo xidig cusub oo leh saameyn siyaasaddeed oo u babac dhigi kara duruufaha siyaasaddeed ee ka alloosan gobolka Awdal oo ay ugub horreyso saami qaybsiga kuraasta Wakiillada, taas oo intii ay taagnayd uu xal u raadinteeda door muhiim ah ka qaatay Wasiirka Ganacsiga Maxamed Xasan Saajin, oo kulamo kala duwan la qaatay Salaadiinta Deegaankiisa, kuwaas oo uu ku guuleystay in ay taageeraan qorshaha Madaxweyne Biixi ee ah in doorashada Wakiillada lagu galo qaabkii hore.

Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sababaha uu isu dhiibay amma uu u tanaasulay, waxa uu ku sheegay inuu u tudhayo danta qaranka iyo wada jirka Xisbiga Kulmiye oo uu xusay inuu ka mid ahaa dadkii muddada dheer ku soo jiray ee tacabka soo geliyey.

 

Tanaasulka lama filaanka ah ee Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland uu kaga tanaasulay Jagada Guddoomiye kuxigeenka Afraad ee Kulmiye, ayaa waxa ay u quus goysay Siyaasiyiin badan oo uu ka mid yahay Maxamuud Xaashi Cabdi oo aan la dhacsanayn qaabka loo abaabulayo qabashada Shirweynaha Kulmiye, kuwaas oo u arkayey Saylici nin wax ka tari kara dooddooda ay kaga soo horjeedaan shirweynaha oo ay afduub ku tilmaameen, balse is dhiibista Saylici, ayaa daaqada ka saartay quudareyntii Maxamuud Xaashi ee ahayd in khilaaf culus ka dhalan karo damacii Saajin oo taageero ka helaya Madxweyne Muuse Biixi iyo Saylici oo muujiyey ka hor intii aanu tanaasulin mitidnimo ah in aanu si fudud uga tanaasulay kursiga Guddoomiye kuxigeenka Afraad.

 

Shirweynaha Afraad ee Kulmiye ee la filayo in berri uu ka qabsoomo Hargeysa, ayaa sida muuqata aanay muuqan wax caqabad ah oo ka hor iman karta qabsoomidiisa, iyada oo la saadaalinayo in Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye uu sii ahaan doono Madaxweyne Biixi, halka Wasiirkiisa Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axmed loo caleema saari doono Jagada uu imika ku fadhiyo ee Guddoomiye kuxigeenka koowaad, Axmed Cabdi Dheer oo ah Guddoomiye kuxigeenka labaad ayaa isaguna la filayaa in xilkaasi loo dooran doono mar kale.

 

Guddoomiye kuxigeenka Saddexaad ayaa la filayaa in loo doorto Xuseen Aadan-cadde iyo Guddoomiye kuxigeenka Afraad oo ah jagada keliya ee cusub ee la dooran doono oo uu ku fadhiisan doono booskii Saylici, Wasiirka Ganacsiga Somaliland Maxamed Xasan Sacad (Saajin).

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker