Madaxwayne Farmaajo oo Safar ugu baxay Dalka Kenya Xilli ay Xiisad ka dhaxeyso labada dal

Muqdisho (OWN) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u dhoofay magaalada Nairobi, halkaasi oo uu kaga qayb-gelaya Shirka Dadweynaha iyo Horumarka oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobey, sida ay sheegtay Villa Somalia.

Shirkan oo uu hoggaaminaayo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta Dadka (UNFPA) ayaa lagu jaangooynayaa qorsheyaasha loo dhan yahay ee dhinacyada horumarka iyo halbeegga sanadlaha ah ee heer qaaradeed iyo heer caalami ee hiigsiyada xasilloonida iyo horumarka.

Safarka madaxweynaha ayaa imanaya ayada oo dalalka Soomaaliya iyo Kenya, oo shirka marti-gelineysa, ay weli ka dhaxeyso xiisad ka dhalatay muranka badda, ayna dadka qaar u arkaan mid aan habbooneyn.

Hase yeeshee Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa tilmaamay in shirkan uu muhiim u yahay.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay mudnaan gaar ah siinaysaa madal kasta oo looga arrinsanayo horumarka iyo iskaashiga, maadaama dalkeennu uu u baahan yahay maalgashi iyo garab istaag. Shirkaan waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa arrimaha awood-siinta haweenka iyo kaalinta dhallinyarada ee hoggaamminta iyo horumarka si loo gaaro Hadafyada Horumarka ee Joogtada ah kuwaas oo ahmiyad weyn u leh dalkeenna.”

Inkasta oo sida ay madaxtooyada sheegtay shirka muhiim yahay, haddana dadka diblomaasiyadda yaqana ayaa rumeysan inay ku filneyd in wafdi wasiiro ah oo ka socda wasaaradaha qaabilsan arrintan shirka loo diro.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Marwo Fowsiya Abiikar Nuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Nuur Diiriye Xersi (Fuursade).

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker