Maxaa Ka Jira In Jinku dadka Uu Galo ?

Sheekha Al-As-har, Dr Sheekh Axmed Al-Dayib, ayaa sheegay in aan jinku lahayn “haba yaraatee” awood uu ku galo qofka muuminka ah, hase yeeshee uu dadka waswaasiyo oo keliya isla markaana uu ka “lib helo qofka diciifka ah oo keliya”.

 

 

Dr Al-Dayib oo ka hadlayey barnaamij uu kaga hadlo arimaha diinta oo laga sii daayo mid ka mid ah Telefshinanada Masar ayaa waxa uu yidhi: hadalka ah jin baa dadka galaa waa hadal “khiyaali ah” oo aan sal iyo raad toona lahayn, waxaanu intaa ku daray in kartida jinku leeyahay tahay “waswaasin iyo majare habaanin keli ah”.

 

 

Waxaanu Sheekha Al-As-har ku tirtirsiyey dadka muuminiinta ah in ay “adkaarta” ku faro adaygaan si ay iskaga ilaaliyaan “waswaasinta” jinka.

 

 

“Qof kasta oo ku dooda in uu jin ka saaro jidhka dadku waa beenaale calooshiisa u shaqayste ah oo dadka lug goynaya” ayuu yidhi Dr Ahmed Al-Dayib, Sheekha Al-As-har ku.

@ BBC Somali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker