Israel oo ku hanjabtay in ay ballaarin doonto hawlgalka Rafah

Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant ayaa ku hanjabay in ciidamadiisu ay ballaarin doonaan hawlgalka dhinaca dhulka ah ee ay ka bilaabeen deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.

Wasiirka ayaa sheegay inay joogteen doonaan gulufka militari ee Rafah iyo dhammaanba Marinka Gaza, illaa iyo inta ay ka sifeynayaan sida uu yiri Xamaas.

“Waxaan faray in Ciidanka Difaaca Israel ay galaan deegaanka Rafah, isla-markaana ay ka gudbaan, si ay u fuliyaan hawlgalkooda.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in hawlgalku uu socon doono, illaa iyo inta ay ka suulinayaan Xamaas amaba ay ka soo furanayaan dadka Israeliyiinta ah ee lagu haysto gudaha Marinka Gaza.

“Hawlgalku wuxuu socon doonnaa illaa aan ka ciribtirno Xamaas oo ku sugan aagga Rafah iyo guud ahaanba Marinka Gaza ama inta aan ka soo furanayno dadka na looga haysto Marinka Gaza.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka Difaaca Israel ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay in ay ka baaqsan karaan hawlgalka weyn ee Gaza, haddii ay Xamaas sii deynayso dhammaanba maxaabiista Israeliyiinta.

“Waxaan diyaar u nahay inaan samayno tanaasul, si loo soo celiyo dhammaan la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu qafaashay weerarkii October 7-deedii, balse haddii ikhtiyaarkaasi meesha laga saaro waanu sii socon doonnaa, oo si qoto dheer ayaan hawlgalka u sii wadi doonnaa.” Ayuu yiri Yoav Gallant, Wasiirka Difaaca Israel.

Wasiir Gallant ayaa intaasi raaciyay “Hawlgalka waxaan si buuxda uga samayn doonnaa gebi ahaanba Marinka Gaza, haddii ay noqoto koonfurta, bartamaha iyo waqooyigaba.”

Ciidanka Israel ee la wareegay bariga Rafah oo ay taageerayaan diyaaradaha dagaalka ayaa garaacaya qaybo ka mid ah deegaankaasi, waxayna tan iyo markii ay hawlgalka bilaabeen ay halkaasi ku dileen tobanaan qof oo shacab ah

Warka Gallant ee ah in Xamaas ay sii deyso gebi ahaanba dadka la haysteyaasha ah, si ay u joojiyaan duulaanka Rafah ayaan qayb ka ahayn shuruudihii ay horey u aqbaleen ee ku jiray hindisihii ugu dambeeyay ee heshiiska xabad joojinta ee Mareykanka uu soo jeediyay.

Ka hor inta aysan Xamaas, habeenkii Isniinta ku dhawaaqin in ay aqbashay hindisaha xabad joojinta ku meel gaarka ah ee Gaza, Israel ayaa iyadu Xamaas ku cadaadineysay in hindisaha ay aqbasho, si loo gaaro heshiis maxaabiis is dhaafsi ah. Hase yeeshee markii ay Xamaas heshiiskaasi aqbashay ayuu is bedelay go’aankeedii hore.

Xamaas ayaa horey u sheegtay inay maxaabiista Israel u haysato, si ay Israel xabsiyadeeda uga sii deyso kumanaan Falastiiniyiin ah oo si sharci darro ah ugu xiran.

Warbaahinta caalamiga ah ayaa qoreysa inaanan marnaba Israel laga sugeynin inay dhankeeda ka cago jiidi doonto heshiiska, haddii ay wax ka ogeyd, markii Mareykanku uu diyaarinayay soo jeedinta qodobada hindisaha heshiiska la gaari karo.

Israel ayaa hadda caalamka kala kulmeysa cambaareyn xoog leh, ka dib markii ay diiday aqbaladda ay Xamaas aqbashay heshiiska xabad joojinta ee colaadda Gaza iyo weerarkeedii xigay ee ay Talaadadii shalay ku qaadday bariga Rafah.

Israel ayaa weerartay Rafah, xilli ay xoogeysatay rajada ay dadku ka qabeen in heshiis la gaari karo. Rajada ayaana xoogeysatay, markii ay Xamaas shaacisay inay aqbashay hindisaha xabad joojinta kmg ah ee dagaalkan ay kula jirto Ciidamada Israel.

Xamaas oo muddo dheer ku adkeysaneysay in xabad joojintu ay noqoto mid waarta ayaana markan sameysay tanaasul aanay cidina ka fileynin.

Dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ayaa hadda Israel ku cadaadinaya inaysan lumin fursadda la haysto, si loo gaaro heshiis xabad joojin ah, maxaabiis is weydaarsina loo sameeyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker