Masud Ozil oo ka Guulaystay Tababare Arteta

Xiddiga Muslimka ah ee Mesut Ozil ayaa ugu dambayn ka guuleystay tababare Mikel Arteta oo uu u dhexeeyey khilaaf keenay in laacibka reer Germany laga saaro liiska ciyaartoyda kooxda ee tartamada Premier League iyo Europa League ee kooxda.

 

Kubbad-sameeyahan ayay ugu dambaysay inuu u ciyaaro Arsenal bishii March ee horraantii sannadkan, waxaana intii ka dambaysay uu mushaharkiisa xad-dhaafka ah ku qaadanayay gurigiisa iyadoo aanu ku lug yeelanayn kulamada kooxdiisa illaa laga gaadhayo bisha January.

 

Ozil oo dagaal dhinaca baraha bulshada ah uu kala-dhexeeyey tababaraha, ayaa  taageero ka helay jamaahiirta kooxda oo dhinaciisa la saftay

 

Iyadoo uu qalbigoodana degay markii uu ku deeqay mushaharka Gunnersaurus oo ay kooxdu shaqada ka caydhisay iyadoo ku andacoonaysa dhaqaale xumo.

 

Heshiiska uu Ozil kula jiro Arsenal ayaa ku eg dhamaadka xili ciyaareedkan, waxaanu iska diiday inuu tago meel kale ilaa inta uu qandaraaskiisu ka dhamaanayo, iyadoo ay soo baxayeen fursado uu ka helayo naadiyo waddamo kale ka dhisan.

 

32 jirkan ayaa hadda ay muuqanaysaa inuu ka adkaanayo tababare Mikel Arteta oo ay kooxdiisu ku dhibaatoonayso inay natiijooyin ka keento horyaalka Premier League.

 

Iyadoo ku jirta kaalinta 15aad, isla markaana ay la’ yihiin hal-abuurradii kubadda gaadhsiin lahaa weeraryahannada.

 

Toddobaadkan ayay warbaahinta kasoo muuqanayeen shaqsiyaad saamayn ku leh kooxda oo ka dalbanayay Arteta inuu raalligelin siiyo Ozil,

 

Kaddibna uu dib ugu soo celiyo safkiisa si uu uga caawiyo inay ka baxaan dhibaatada haysata.

 

Mikel Arteta ayaa ugu dambayn u muuqda inuu xaqiiqsaday inuu qalad weyn ku sameeyey in liiska ciyaartoyda kooxdiisa ee uu u gudbiyey Premier League uu ka reebay Ozil, waxaana uu diyaar u yahay inuu saxo bisha January oo uu mar kale gudbinayo liiska.

 

Isaga oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu qabtay ka hor kulanka Burnley, waxa uu Arteta si dadban u qirtay inuu Ozil kusoo celinayo kooxdiisa, waxaanu yidhi:

 

“Hadda kooxdayada (liiska uu gudbiyey) kuma jiro, waxaanan diiradda saarayaa ciyaartoyda aan haysto oo kaliya. Laakiin wax kasta oo dhaca bisha January, waxa aanu samaynaynaa go’aamo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker