Madaxwayne Geelle oo QM Kaga Hadlay Doorashooyinka Somalia

Jabuuti (OWN) – Madaxweynaha dalka Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo khudbad ka jeedinayey shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa soo hadal qaaday arrimo ku aadan xaaladda Soomaaliya.

 

Geelle ayaa ugu horreyn boggaadiyey heshiiska ay doorashooyinka ka gaadheen madaxda dowladda dhexe, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

 

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka inay taageeraan heshiishaas, si loo dhaqan-geliyo doorashada una dhacdo.

 

“Waa go’aan wanaagsan, dabcan Soomaalida oo isku madax bannaan ayaa heshiiskaas gaadhay, waxa kaliya Qaramada Midoobay iyo Saaxiibada Soomaaliya waa in ay taageero garab istaag ah u muujiyaan si loo dhaqangeliyo una dhacdo doorashada Dalka” ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti.

 

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamada dowladda federaalka iyo kuw AMISOM ay guullo ka gaareen howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya.

 

“Horumar dhanka isfahamka ah ayay Gaadheen Ciidamada Dowladda Federaalka, dabcan waxaa la howlgala oo garabsiinaya Askarta AMISOM, waa in la taageero Ciidamadaas si looga guuleysto Argagixisada” ayuu sii raaciyay Madaxweyne Ismaaciil omar Geelle.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker