Madaxweyne Muuse Biixi oo xadhiga ka jaraaya dhismaha cusub ee Macadka Shaqaalaha Dawlada hoose ee dalka

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Berri xadhiga ka jaraaya dhismaha cusub ee Macadka Shaqaalaha Dawlada hoose ee dalka.

Mashruuca dhismahan ayaa lagu hirgaliyay Lacag xadigeedu gaadhayso Nus Milyan Dollar (500 oo kun oo dollar), Dhaqaalaha lagu hirgaliyay ayaa waxa bixiyay golayaasha deeganada 12 ka mid ah degmo Doorashooyinka Somaliland iyagoo u kala bixiyay sidan hoos ku xusan;

1. Hargeysa: 20%.

2. Berbera 20 %.

3. Laascaanood 6%.

4. Burco 10%.

5. Gabiley 10%.

6. Buuhoodle 4%.

7. Boorama 10%.

8. Saylac 4%.

9. Caynaba 3%.

10. Ceerigaabo 6%.

11. Shiikh 3%.

12. Oodweyne 4%.

Waxa xusid in dhaqaalaha mashruucan ku baxay inta ugu badan ay ee degmo kasta ka bixinaysay ay sii bxiyeen golayaashii deeganka Hore iyadoo golayaasha deeganka ee haduna intii dhaqaalahasi ka dhinayd ay bixiyeen.

Agaasimaha Ururka Dawladaha Hoose Iid Muuse ayaa isagu muddo dheer dedaal ku bixinayay in macadkan hirgalo si kor loogu qaado tayada shaqaalaha Dawlada hoose ee dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker