Burcad hubeysan oo dalka Koonfur Afrika ku dishay ganacsade Soomaaliyeed oo caan ka ahaa dalkaas

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Xalay kooxo hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ugu geysteen magaalada Swellendam oo 225 KM u jirta magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika muwaadin Soomaaliyeed oo ku noola halkaas mudo 20 sano ah.

Allah u naxariistee muwaadinka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabduqaadir Jeemis, kaasoo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee sida weyn looga yaqiinay magaalada Swellendam oo uu ku lahaa guryo iyo goobo ganacsi.

Dilka marxuumka ayaa yimid, kadib markii burcada ku weerareen goobtiisa ganacsi, islamarkaana ay qeybaha sare ee jirkiisa kaga dhufteen dhowr xabadood oo sababay inuu goobta ku geeriyoodo.

Xubno ka tirsan ehelka ganacsadaha la dilay ayaa Warbaahinta u sheegay in marxuumka uu waayihii dambe hanjabaadyo kaga imaanayeen qaar kamid ah buracada hubeysan ee lacagaha baada ah ka qaadata ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa kale ee Ajaaniibta ah ee ku nool dalkaas.

Booliiska dalkaasi Koonfur afrika oo gaaray goobta uu dilka ka dhacay ayaa sameeyay howgalo baaritaano, hayeeshe kuma guuleysan iney soo qabteen burcadii dilka geysatay.

Dilka muwaadinkaan Soomaaliyeed ayaa qeyb ka noqonaya dilalka dalka Koonfur Afrika loogu geysto Soomaalida halkaasj u shaqo tagtay, iyadoo aysan jirin cid wax ka qabata dilalka, dhaawacyada iyo dhaca loo geysto goobahooda ganacsi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker