Boolis Islaami ah oo weeraray aroos ay dhiganayeen lammaane isku jinsi ah

Ciidamada booliska islaamiga ah ee waqooyiga dalka Nigeria ayaa xabsiga dhigay 19 qof oo muslimiin ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ka qeyb galeen arooska lamaane isku jinsi ah.

Ciidanka ayaa weerar ku qaaday xafladda meherka oo ka dhacday magaalada Kano ka dib markii la ogaaday, sida uu sheegay afhayeenkooda Lawal Ibrahim Fagge.

Lamaanahan ayaa waxaa u suurtagashay inay baxsadaan, waxaana baadigoob ugu jiray ciidamada Booliska, ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenka.

Kano waxaa ku nool muslimiinta ugu badan dalkaas, halkaas oo nidaamka sharciga Islaamka uu ka barbar shaqeeyo sharciga ka jira dalkaas.

Falalka noocan ah ayaa sharci-darro ka ah dalka Nigeria, halkaas oo kuwa ku nool woqooyiga ay u badan yihiin Muslimiin, dadka koonfurta ku noolna ay u badan yihiin Masiixiyiin.

Booliska Islaamiga ah ee Kano ayaa caan ku ah magaca Hisbah, waxayna dhaqan geliyaan sharciyo adag.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker