War deg deh ah : Qaraxii labaad oo ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb

Dhuusa mareeb (OWN) Qarax labaad ayaa Goordhow jugtiisa laga maqlay xaafadaha Magalada Dhuusamareeb oo isla Maanta uu ka dhacay qarax ismiidaamin ahaa,kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,iyada oo maanta siweyn looga dareemay Magaalada.

Qaraxa labaad ayaa la sheegay in uu ka dhacay agagaarka Maqaayada Dhagacade ee Magalada Dhuusamareeb oo ku dhow Saldhiga Booliska dhuusamareeb.

Waxaa la sheegay in uu ahaa mid ay ciidamda Booliska qarxiyeen, kadib markii ay ka fureen qof uu ku xirnaa.

Xaalada Magalada Dhuusamnareeb ayaa Maanta ka duwan sidii hore,waxaana wararku sheegayaan in inta badan Wadooyinka waaweyn  ee Magaalada Dhuusamareeb la dhigay ciidamo farabadan,kuwaas oo dadkaiyo gaadiidka u diidaya goobaha qaar.

 

Qaraxii hore ayaa ka dhacay afaafka hore ee Xarunta INJI ee uu ku shaqeeyo Madaxa Xukuumadda Galmudug Sh. Maxamed Shaakir.

Qaraxa koowaad ayaa waxaa ku dhintay is miidaamiyihii sidoo kalana waxaa ku dhaawacmay laba qof oo midi ahaa Xildhibaan ka tirsan Galmudug.

Waxaa jirto cabsi weyn oo ku aadan inay Magaalada Dhuusamareeb ku jiraan dad kale oo is qarxin rabo sida ay sheegeen hey,adaha Ammaanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker