Dawladda Soomaaliya oo lasafatay Dalka Sucuudiga iyadoo uu Cirka Isku Shareeray Khilaafka udhexeeya Canada Iyo Sucuudiga.

Muqdisho-(OWN)-Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay khilaafka dhanka diplumaasiyadeed ee u dhaxeeya dalalka Sacuudiga iyo Canada.

 

Goor sii horraysay, ayaa Wasiirka Arrimaha dibadda Sacuudiga, Adel al-Jubeir, waxa uu Canada ku eedeeyey faragalin arrimaha gudaha ah iyadoo Canada ay adeegsanayso dad u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka oo ku sugan Sacuudi Carabiya.

Iyadoo arrintaa ka falcelinaysa, xukuumadda Riyaad waxay eriday safiirkii Canada waxay kaloo hakisay iswaydaarsiga barnaamijyada dhanka waxbarashada.

Warsaaxafadeed ka soo baxay dowladda Federalka Somaliya ayaa lagu sheegay in Dowladdu garab taagan tahay dowladda Sacuudiga.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay xaaladihii ugu dambeeyay ee ku soo kordhay xidhiidhka Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo Canada.” Ayaa lagu yidhi Qoraalka.

“Iyadoo laga ambaqaadaayo arrinkani, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa taageeridda mowqifka diidmada ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ee faragelin dibadeed oo lagu sameeyo arrimaheeda gudaha, iyadoo la tixgelinayo mabda’a aan oggolaanayn faragelin ee lagu caddeeyay Axdiga Qaramada Midoobay, oo ay ku jirto gobonnimadeeda iyo madax bannaanida go’aan gaadhiddeeda iyo waxa ay jideyso oo ah siyaasado ama habab garsooreed oo xidhiidh la leh shuruucdeeda qaran.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay rajeyneysaa Riyadh iyo Ottawa inay ka gudbaan khilaafaadkooda si xidhiidhkoodu u sii socdo oo saldhig u ah kalsooni iyo xushmad is dhaafsi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker