Colaadda ceel-afwayn caqli bay u baahantahay

Marka dhinac la isagga leexiyo magacyadda beelaha iyo odayaasha cumaamadaha sita , colaadda ceel-afwan waxaa saldhigu ah afartan qodob .

1- Faqrigga .

2-  Shaqo la’aanta .

3- Tacliin la’aan .

4-Horumar la’aan .

 

Nabadgelyadda Boorame tacliinta ayaa u saldhiga iyo jaamacadda camuud , hanaqaadka tacliinta ka hirgashay Boorame ayaana keenaysa in 20 jirka boorame hiigsanayo Phd laakiin aanu aqoon u lahayn Ak 47 .

 

Korodhka dadwaynaha iyo koboca dhaqaalaha ayaa saldhig u ah Nabadgelyadda hargaysa , waana sababta keenaysa in 20 jirka  Hargaysi ka fikiro in uu gurri dhisto laakiin aanu ka firikin in aanu qori iibsaddo .

 

Shaqadda badan iyo mashquulka ayaa saldhig u ah Nabadgeyladda berbera , waana sababta keenaysa in 20 jirka berbera ka fikiro in uu nasto ee aanu ka fikirin in uu dagaalamo .

 

Koboca dhaqaalaha iyo teknoolajiyadda ayaa saldhig u ah nabadgelyada Burco , waana sababta keenaysa in 20 jirka Burco ka fikiro in uu Youtube samaysto ee aanu ka fikirin in uu ciidan beeleed noqdo .

 

Tacliinta iyo ilbaxnimadda ayaa saldhig u ah Nabadgelyadda Laascaanood , sababtaa ayaana keenaysa in 20 jirka  Laascanood uu ka fikoro Libarary lkn aanu ka fikirin Pkm .

 

Sanaag , taclintu way hoosaysaa , dhaqaaluhu wuu hooseeyaa , shaqaddu way hoosaysaa , dhalinyaradda ku nool sanaag oo ah sidda gobolada kale oo dhan , qaybta ugu badan gobolkuna ma haystaan waxay ku mashquulaan , waana sababta dhabta ah ee dagaaladu ugu soo noqnoqonayaan .

 

Sidaa darteed waxaan soo jeedinayaa

1- In lacagtii 2% ahayd ee loo jari jirey Sool laggu darro 1 percent kale , loona qaybiyo labada gobol ee Sool iyo sanaag si mid waliba u hello 1.5 % , Budgetka guud kor loogaga jarro .

 

2- In mashaariicdda horumarinta ee la inagu caawiyo sidda sanduuqa SDF IYO GPLG , xoogooda la geliyo Sool iyo sanaag si kor loogu soo qaado .

 

3-  In kaabayaasha dhaqaale ee goboladaa iyo waxsoosaarkooda kor loo qaado lana horumariyo sidda Eerboodhada iyo dekedaha .

 

4- In Ganacsiga Beeraha , dalxiiska iyo kahayraadka dabiiciga ah kor loo qaado , si dhalintyaraddu shaqo u hesho .

 

5- In dhalinyaradda wax baratay ee goboladaa kasoo jeeda dib loogu celiyo si ay uga hawlgalaan xafiisyada dawladda iyo xafiisyada kale si ay dadka u ilbixiyaan waxna u baraan .

 

6- In isku xidhnaanta goboladaa iyo gobolada kale la xoojiyo bulsho ahaan iyo aragti ahaan , lagana caawiyo dhalinyaradaas goboladaasi in ay fahmaan sidda ay u fikirayaan dhalinyarada kale ee ku nool wadanku .

 

7- In si toosa loola dagaalamo kaaba qabiiladda iyo dadka colaadaha abaabula , la bartilmaameedsado , danahooda la cidhiidhyo lana xanuujiyo si ay uga waan toobaan fidmadda .

 

Axmed Nuur Guruje

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker