Dhegayso: Waa Maxay Sababta uu Trump u Aqoonsan Waayay Natiijada

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa lagu soo waramayaa inuu gudo galay Qorsheyaashiisa wax ka qabadka xanuunka Coronavirus, xili natiijada doorashada aan wali si rasmi ah loogu dhawaaqin.

 

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo madaxweyne Donald Trump uu ka biyo diiday natiijada doorashada ee ka soo baxday tirinta codadkii gobollada oo muujinaya inuu ku guulaystay Joe Biden.

 

Madaxweyne Trump iyo qareenadiisu waxay gobollada qaar ka gudbiyeen dacwad la xidhiidha tirinta codadka, ayaga oo ku doodaya inay dhacday Khiyaameyn, inkasta oo aysan soo bandhigin caddeymo.

 

Hadaba halka labada dhinac iska dhaafsan yihiin, iyo halka ilaa hadda  la kala marayo, iyo tallaabooyinka sharci ee uu qaaday madaxweyne Donald Trump,

 

Ayay Warbaahintu Waxka Waydiisay Jibriil Aw Maxamed oo wax ka dhiga jaamacadda Ohio State ee gobolka Ohio.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker