Guddoomiyaha Maxkamda Sare oo Golah Guurtida u Dhaariyaay Xildhibaan Cusub

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Aadam X. Cali Axmed, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13/09/2022, dhaariyay Suudi Suldaan Maxamed Nuur, oo laga bilaabo maanta ka mid noqonaya mudanayaasha golaha Guurtida JSL.
Xubinta la dhaariyay ayaa buuxiyay, jago uu banneeyay Alle ha u naxariistee marxuum Jaamac Suldaan Maxamed Nuur, taasi oo Golaha Guurtidu ay Maxkamadda Sare u soo gudbiyeen, codsi ay ku dalbanayaan in xilkaasi loo dhaariyo, mudane Suudi Suldaan Maxamed, si uu u buuxiyo jagada banaanaatay.
Dhaarinta ka dib guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxa uu kula dardaarmay mudanaha in uu qaranka ugu adeego, si daacad ah oo hufan, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker