Madaxweynaha Ukraine Oo Eedeeyay wadamada Yurub Iyo sababta?

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, ayaa ku eedeeyay wadamada Yurub ee wali sii iibsanaya saliida Ruushka in ay lacagtooda ku beddelanayaan dhiiga dadka kale.

Zelensky waxa uu si gaar ah u xusay dalalka Jarmalka iyo Hungary, isagoo ku eedeeyay inay xannibeen dedaallada lagu doonayo in lagu cunaqabateeyo iibka tamarta, taasoo Ruushku ka helayo illaa £ 250bn ($ 326bn) sanadkan.

Waxaa jiray niyad-jab isa soo taraya oo ka dhex jira hoggaanka Ukraine iyo Berlin, kaasoo taageeray cunaqabataynta qaar ka mid ah Ruushka, laakiin ilaa iyo hadda waa ay ka soo horjeedaan baaqyada lagu taageerayo tallaabo adag oo ku saabsan iibinta saliidda.

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaarihii hore ee Ruushka, ayaa sheegay in haddii dalalka Sweden iyo Finland ay ku biiraan NATO, ay Moscow xoojin doonto ciidamadeeda dhulka, badda iyo cirka.

Lithuania ayaa sheegtay in hanjabaadda Ruushka aysan ahayn wax cusub, Moscowna ay hub Nukliyeer ah geysay magaalada Kaliningrad ka hor dagaalkii Ukraine.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker