Madaxweyne Biixi Oo Saxeexay Dhaqan Galka Xeerka Shaqaalaha Dawladda Ee Xeer Lr 97/2022-ka.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, Ayaa Saxeexay Xeerka shaqaalaha Dawladda, kaas oo ogolaanaya in Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawladdu, marka xilka laga qaado haddii aan xilka looga qaadin xil-gudasho la’aan amma dembi uu galay uu ka sii mid ahaan doono Shaqaalaha Dawladda, isaga oo u wareegi doona Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, halkaas oo uu ku qaadan doono mushaharkiisa aasaasiga ah iyo weliba kala badh gunno xileedkiisii.
Madaxweyne Biixi, Ayaa Xeerkan Shaqaalaha Dawladda Ee Xeer Lr 97/2022-ka Saxeexay, Bishan aynu ku jirno bilowgeedii, iyada oo qodob ka mid ab Xeerkan sheegayo.
Qodobka 26aad farqadda 7aad ee xeerka Shaqaalaha Dawladda. “Haddii Shaqadda laga wareejiyo agaasimiyaasha guud oo aan shaqada looga eegin xil gudasho la’aan ama bambi uu galay, waxa uu ku wareegayaa Ha’yadda Shaqaalaha Dawladda, waxaanay qaadanayaan musharkoodii aasaasigaa oo buuxa iyo waliba kala badh gunno xileedkii”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker