Shirkii Golaha Wasiirrada Soomaaliya Ee maanta oo lagu magacaabay Saddex Safiir.

Muqdisho:- (OWN) Kulan Golaha Wasiirada Soomaaliya ay maanta oo Khamiis ah ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa lagu ansixiyay magacaabista Ilaa Saddex Safiir oo aan la sheegin dalalka loo magacaabay.

Saddexda Safiir ee la magacaabay ayaa kala ah Maxamuud Axmed Tarsan oo ka mid ahaa La Taliyeyaasha Madaxweyne Farmaajo, C/risaaq Shoole oo  Agaasime kuxigeenka, ka soo noqday madaxtooyada Soomaaliya iyo C/llaahi Maxamed Odawaa.

Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa soo jeediyay magacaabidda saddexda Safiir, iyadoo Golaha Wasiirada ay meel mariyeen.

Safiiradan ayaa ugu danbeyntii la sheegay in dalalka loo magacaabay lagu soo saari doono Digreeto madaxweyne.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker