Cid ka badbaaday dhulka soo dumay ayaa la raadinayaa Papua New Guinea

Shaqaalaha gurmadka degdegga ayaa ka shaqeynaya sidii ay ku gaari lahaayeen tuulooyinka ay dhoobada ku soo duntay gobolka Enga ee dalka Papua New Guinea.

Waxaa laga cabsi qabaa in ay dad halkaas ku dhinteen iyadoo kooxaha gurmadka oo ka kooban kuwa caafimaadka iyo militeriga ay gaareen tuulooyinka, sidaasin waxaa sheegtay hay’adda Care Australia.

Wadooyinka oo xirmay ayaa ka dhigaya in howlaha samatabixinta ay aad u adkaadaan. Meelihii laga galayay tuulooyinka ayaa xiran, helikobtar oo kaliya ayaa lagu gaarki karaa ayey tiri Care Australia.

Ciidda soo duntay jimcihii abaarihii saddaxda galabnimo waqtiga dalka ayaa dabooshay boqolaal guri oo ku yaalay gobolka Engal ee waqooyiga dalka.

Weli lama oga tirada dadka xunibmay burburka. Care ayaa sheegtay in ilaa iyo 60 guri ay burbureen iyadoo aan la ogeyn xaaladda dadkii ku noolaa guryahaas. Ku dhawaad 4,000ayaa ku noolaa halkaas.

Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa u sheegay wakaaladda wararka AP in dhulka ay dhoobada ku soo duntay uu la egyahay ilaa afar garoomada kubadda cagta ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker