Xogahayaha Guud ee ANC: Wax loo dabbaaldega ma jiraan ka dib natiijadii liidatay ee codbixinta

Xoghayaha guud ee xisbiga ANC Fikile Mbalula’s ayaa goor dhaweyd soo gabagabeeyay shir jaraa’id.

Waa kuwan qodobada ugu muhiimsan ee uu ka hadlay:

·Waxa uu qirtay in aysan jirin wax loo dabaaldego ka dib natiijada codbixinta ee liidatay

·Wuxuu ku boorriyay dadka inay ixtiraamaan sharciga oo ay ka hortagaan dadaalka lagu wiiqayo natiijada

·Waxa uu sheegay in ANC ay ka go’an tahay in la dhiso dowlad ka tarjumaysa rabitaanka shacabka Koonfur Afrika

·Waxa uu sheegay in ANC ay “qof walba la hadlayso” iyagoo isku dayaya in ay helaa isbahaysi ay wada shaqeeyaan

·Mid ka mid ah qoddobada aan gorgortanka lahayn ayaa la caddeeyay taas oo ah, in madaxweyne Cyril Ramaphosa uu sii ahaan doono hoggaamiyaha ANC

·Laakin waxa uu qiray in ANC, ha jeclaato ama yeysan jeclaane, in la joogo “xilligii isbaheysiga”

·Xoghayaha guud ayaa sheegay in natiijada hooseeysay ee doorashada ee ANC ay muujisay in xisbigu uu u baahan yahay in uu isa saxo

·Waxa uu qiray in koronto la’aanta iyo biyo la’aanta ay ahaayeen arrimaha ugu muhiimsan ee keenay natiijada xun ee ANC

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker