Markab taagnaa xeebta Baraawe oo Saanad Usiday AMISOM oo la weeraray.

 

 

Markab Wararka ka imanaya magaalada Baraawe ayaa sheegaya in maleeshiyada ururka Al-Shabab ay hubka hoobiyaha ah ku weerareen markab taagan xeebta magaalada oo saanad u keenay ciidamada AMISOM iyo kuwa dawladda Soomaaliya.

Ilaa hadda ma cadda khasaaraha. Warar aanu ka helnay dadka deganaka ayaa sheegaya in ilaa saddex hoobiye ay maleeshiyada Al-Shabab ku tuureen badda, mana cadda in qaar ka mid ah hoobiyayaashaasi lala helay markabka iyo in kale.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo ku saabsan weerarkaasi.

Xigasho: VOA SomaliĀ 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker