Turkey oo soo eryey markab ay leedahay Israel, Xilli ay ka sii dartay xiisadda badda Maditareeniyaanku

Istanbul (OWN) – Ciidamada badda Turkiga ayaa markab laga leeyahay Israel ka qabtay kana soo Eryey meel u dhow badda Qubrus, xilli ay kasii dareyso Xiisadda ka taagan badda Meditareeniyaanka oo kheyraad badan Ee dabiiciga ahi Ceegaago.

 

Markabka oo lagu magacaabo Bat Galim, oo uu leeyahay machadka Darasaadka badda ee Israel, ayaa cilmi-baadhis ka sameynayey Biyaha Qubrus, isaga oo la shaqeynaya mas’uuliyiinta dalka Qubrus, sida ay sheegtay warbaahinta Israel, oo soo xigatay Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Israel.

 

Sida ay sheegeen warbixino, maraakiibta badda Turkiga ayaa la Xidhiidhay  markabka Israel kadibna weydiiyey inuu Sharaxaad ka bixiyo dhaq-dhaqaayada uu halkaas ka wado,  kadibna Waxay Amar Ku Siiyeen inuu  Iskaga Boxo Gaagaas badda Meditareeniyaanka .

 

Dhacdan ayaa timid toddobaad kadib markii Turkey-gu  ay Libya la Saxiixayday  Heshiis ballaadhan oo ku Saabsan  Aagga dhaqaalaha , Ee ku Taxaluqda Biyaha Badda Midhatareeniyamka Halkaasi oo ay Ka Taagan Tahay Muran U dhexeeya Dawladda Turkiga iyo Giriiga ,OO mid waliba uu sheeganayo Biyaha Aagga Khubrus,

 

Marka laga reebo qab-weynida qarannimo ee ku jirta dalalkan iyo kheyraadka halkaas ka buuxa, Greece iyo Turkey labaduba ma aysan xadeyn aaggood dhaqaalaha, taasi oo u ogolaaneysa inay dhul-baaxad weyn kheyraad ka raadsadaan.

 

Qubrus, Israel iyo Masar oo xadeeyey aaggooda dhaqaalaha ayaa helay goob gaas uu ka buuxo oo sare u qaadi kara dhaqaalahooda.

Heshiiska Turkey iyo Libya ayaa ka carreysiiyey dalalka Greece, Qubrus iyo Masar oo dhammaantooda sheeganaya inay xuquuq u leeyihiin gobolka gaaska uu ka buuxo.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale cambaareeyey heshiiska, kuna sheegay mid “ku xadudbaya xuquuqda madax-banaani ee dal kale, islamarkaana aanu waafaqsaneyn xeerka caalamiga ah ee badda.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker