Xamaas oo aqbashay hindisaha heshiiska xabad joojinta ee Marinka Gaza

Ururka Xamaas ayaa aqbalay hindisihii ugu dambeeyay ee heshiiska xabad joojinta Marinka Gaza.

Hoggaamiyaha Ururka Xamaas, Ismail Haniyeh ayaa Dowladaha Qatar iyo Masar ku wargeliyay in ay aqbaleen hindisaha xabad joojinta ku meel gaarka ah ee dagaalka Gaza.

Xamaas ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay in dhankooda ay wax walba ka soo dhammaadeen, ayna sugayaan oo keliya jawaabta Israel.

Hindisaha ayaa soo jeedinaya in muddo 40 cisho ah la hakiyo dagaalka, in Xamaas ay sii deyso tobanaan ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Marinka Gaza, ayna ku bedelato maxaabiis fara-badan oo Falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Israel. Hindisaha ayaa sidoo kale ogolanayay in gargaar bani’aadantinimo oo mug leh la gaarsiiyo dadka rayidka ah ee u baahan.

Ma cadda haddii hindisaha qodobo kale dib looga soo dari doono iyo in kale, balse hindisahan ayaa ahaa midkii maalmahaanba Madaxda Xamaas lagu cadaadinayay in ay aqbalaan.

Israel qudheedu wax dood ah kama qabin in illaa lix toddobaad la hakiyo dagaalka ay kula jirto Xamaas, haddase lama garanayo haddii qorshaheeda uu wax iska bedelay iyo haddii kaleba.

Xamaas oo markii hore ku adkeysaneysay in xabad joojintu ay noqoto mid joogto ah ayaa sameysay tanaasul lama filaan ah.

Go’aanka Xamaas waxa uu imanaya, iyadoo Israel ay Isniintii dadka rayidka ah ku amartay in ay isaga baxaan bariga deegaanka Rafah ee koonfurta Marinta Gaza, halkaas oo ay sheegtay in ay ka samayn doonto hawlgal xadidan.

Haddii heshiiskan uu dhaqangalo ayaa wuxuu noqonaya kiisii labaad oo si ku meel gaar ah loogu joojinayo dagaalka toddobada bilood ka socda Marinka Gaza.

Labada dhinac ayaa daba-yaaqadii bishii November isla qaatay heshiis hal toddobaad socday, markaas oo sidoo kalena ay maxaabiis is dhaafsadeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker