Masuuliyiinta Ugu Muhiimsanaa Mashaariicda Baanka Adduunku Ka Fuliyo Somaliland Oo Hargeysa Soo Gaadhay +Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay

Hargaysa(OWN)-Kulan balaadhan oo ka qabsoomay Xarunta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa ay wada yeesheen Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Md Sharmaake Geelle iyo madax sare oo ka socota Baanka aduunka “WB”. Kulankan ayaa lagaga wada hadlayey heerka uu marayo hawl-qabadka Dib-u-habaynta Shaqaalaha Dawladda iyo raadka wanaagsan ee uu yeeshay.

Dhanka kale, Masuuliyiinta baanka aduunka ayaa hambalyo iyo sagootin isugu daray gudoomiyhii hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda kaasi oo dhawaan bannayn doona xilka xafiiska.

Qoraal kooban oo Kulankaa kasoo baxay ayaa Gudoomiye Sharmaake ku sheegay sidan.

“Waxaa kulan balaadhan nagu soo booqday madaxda ugu muhiimsan mashaariicda Banggiga aduunku ka maal-galiyo Somaliland kuwaas ooaanu kulan hambalyo iyo sagootin isugu jira wada yeelanay. Intii kulanku socday ayaan iskula eegnay seeska adag ee u yaala hawl-qabadka qaran ee dib-u-habaynta Shaqaalaha Dawladda iyo jihada muhiimka ah ee dhawaan furmaysa. Dhanka kale, waxa aanu isku sagootinay wanaag iyo anaga oo guul wada taagan.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker