Ilaalada xeebaha Talyaaniga oo sheegay in ay dageen labo doon oo siday 90 ruux oo tahriibayaal ah

Ciidamada Ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa sheegay in ay heleen meydka haweeney Afrikaan ah iyo canugeeda kadib markii labo doonyood oo ay la socdeen sagaashan qof oo tahriibayaal ah ay ku degeen jasiiradda Lampedusa.

57 qof ayaa la soo badbaadiyay balse in ka badan sodon kale ayaa la la’yahay.

Dad ka badbaaday shilkan ayaa warbaahinta Talyaaniga u sheegay in doonyahaasi ay ka soo ambabaxeen dekedda Sfax ee dalka Tunisia.

In ka badan laba kun oo muhaajiriin ah ayaa gaaray Lampedusa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker