Teknolojiyadda oo “seef laba af leh u noqotey” dibad baxyaaasha

Waxay ku bilaabataa taleefoon fudud, iyadoo marka danbe isku badasha tacsi, marka uu qof dhinto.

Noofambar 27, 2022, dad badan oo ku nool dakja Shiinaha, ayaa maqlay warka ku saabsan dab dad dilay.

Ka dib ku dhawaad ​​​​saddex sano oo xayiraad adag ah oo cudurka Covid19 ah, ayaa dabku wuxuu keenay shucuur qoto dheer iyo caro weyn.

Guud ahaan shabakadaha bulshada iyo abka fariimaha ee Shiinaha, ayaa wicitaanada waxay si kedis ah ugu dhex faafeen dadweynaha. Kumanaan qof ayaa qeyb ka noqdey oo ka jawaabay fariintaas.

Iyaga oo warqado cad-cad sita, ku dhawaaqaya hal-ku-dhegyo lagu cambaaraynayo hoggaamiyaha, ayaa taasi waxay isu beddeleen mudaaharaadyo waaweyn.

Laga soo bilaabo dalalka Sri Lanka ilaa Thailand, ee dhaca dhanka qaaradda Aasiya, sannadihii la soo dhaafay, ayaa waxay soo wajahay tiro badan oo mudaaharaadyo ah, oo u muuqda inay si lama filaan ah u qarxaan.

Qaar ayaa yaraada, marka ay tabar dhigaan dadka dibad baxyada sameynaya, qaar kalana waxey yaraadaan marka dadka neef qabatoomaan, ama cadaadis la kulmaan.

Qaar yar ayay u suura gashaa inay sii wadaan, inkastoo uu horseedo dagaal sokeeye.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker