Iiraan Oo Sheegtay Inaanay Wada Hadal La Geli Doonin “Cadowgeeda Mareykanka.”

Taliye ku ku xigeenka ciidamada Ilaalada Kacaanka ee dalka iran, ayaa sheegay in Tehran aanay wada hadali la geli doonin “cadowgeeda Mareykanka.”

Yadollah Javani ayaa sidoo kale yidhi “Washington kuma dhacdo inay weerar militari nagu soo qaaddo,” sida ay werisay wakaaladda wararka dalkaas ee Tasnim.

 

Hadalkiisa ayaa ka dambeeyey kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu khamiistii ku booriyey hoggaanka Iran inay la fariistaan, oo ay ka wada hadlaan sidii Tehran ay uga tanaasuli lahayd barnaamijkeeda Nukliyeerka.

 

“Wax wada-hadal ah lama geli doonno America, America-na kuma dhacdo inay tallaabo militari naga qaaddo” ayuu yidhi Yadollah Javani.

 

Yadollah Javani ayaa sheegay in Iran ay Mareykanka u aragto mid aan la isku haleyn karin.

 

Dhinaca kale, Mareykanka ayaa saldhigga ciidamada ee uu ku leeyahay Qatar geeyey diyaaradaha bambooyinka xambaara ee B-52 Stratofortress, si looga hortagao wax ay Washington ku sheegtay halis kaga imanaysa iran.

 

Iran ayaa ku gacan seertay diyaaradahan iyo maraakiib dagaal oo Mareykanka uu diray toddobaadkii tagay, waxayna ku qeexday”dagaal maskaxeed lagu cabsi gelinayo.”

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker