Dawladda.Israaiil.oo.ka.Takhalustay Khabiirkii Nuclearka.Iiraan

Iiran ayaa wacad ku martay inay ka aargoosan doonto kuwii ka dambeeyay dilkii loo geystay Seynisyahankoodii ugu sareeyay ee dhanka Niyukleerka, Mohsen Fakhrizadeh, oo shalay la dilay.

 

 

Seynisyahankani barnaamijka Niyukleerka Iiraan Mohsen Fakhrizadeh ayaa lagu khaarajiyay meel u dhaw caasiamda Tehran, waxaa sidaasi sheegay wasiirka gaashaandhiga Iran.

 

 

Fakhrizadeh ayaa dhaawac ka soo gaadhay weerarkaasi awgii ugu  dhintay isbataal ku yaala magaalada Absard.

 

 

 

 

Wasiirka arrimaha Debadda ee Iraan Mohammad Javad Zarif, ayaa cambaareeyay dilkaasi isaga oo ku tilmaamay “ficil argagixiso”.

 

 

Saraakiil kale oo reer Iiraan ah ayaa  dhankooda dilkiisa ku eedeeyeen inay masuul ka tahay Israa’iil oo ay ka dambeyso.

 

 

Waxay ku hanjabeen saraakiishani inay u aargudi doonaan Seynisyahankan shalay lagu dilay meel u dhaw magaalada Tehran ee caasimada iiraan.

 

 

Israa’iil wali kama aysan jawaabin eedeeynta loo soo jeedayay, balse waxay horey Israa’iil u sheegtay in Mr Fakhrizadeh uu yahay maskaxda ka dambeysa barnaamijka qarsoodiga ah ee Niyukleerka Iraan.

 

 

Hay’adaha sirdoonka reer Galbeedka ayaa rumeysan in Fakhrizadeh uu ahaa shaqsiga ka dambeeyay barnaamijka qarsoodiga ah ee Niyukleerka Iiraan.

 

 

Dowladda Iiraan ayaa falka lagu diley Seynisyahankeeda ku tilmaamtay mid jabinaysa shuruucda caalamiga ah, islamarkana mudan in la cambaareeyo.

 

 

La taliyaha hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Khamenei, ayaa ballanqaday inay weerar sida Danabka oo  kale ah ay kaga Aargoosan doonaan kuwa isku dayaya inay abuuraan dagaal toos ah.

 

 

Bayaan ay Jimcihii soo saartay wasaarada gaashaandhiga ayaa lagu sheegay: “argagixiso hubeysan ayaa bartilmaameedsatay gaari uu la socday Mohsen Fakhrizadeh, madaxa cilmibaaridda iyo hal-abuurka ee wasaarada.

 

 

“Ka dib isku dhac dhexmaray argagixisada iyo ilaaladiisa, Mr Fakhrizadeh ayay Nasiib daro ku dhaceen dhawr Xabadoos. oo Rasaas ahi.

Islamarkana waxaa loola cararay isbataalka, ayaa lagu yidhi bayaanka wasaaradda.

 

 

“Nasiib daro dadaalkii ay u galeen dhkaaatiirta badbaadintiisa ayaan lagu guuleysan islamarkana daqiiqado ka dib wuu geeriyooday,” ayaa intaa lagu daray.

 

 

Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in dadka weerarka geystay ay rasaas ku fureen gaadhiga Seynisyahankani.

 

 

Dowladda Iraan ayaa ugu baaqday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey iyo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey inay cambaareeyaan dilkii lo geystay Seynisyahan dhanka Niyukleerka ah oo shalay al dilay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker