Gudida Naqshadeynta Qaranka Oo Saaka Kulan Yeeshay Ayaa Ogolaaday In Master Plan Loo Sameeyo Degmooyinka Qaar

Xafiiska Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud” Gudida Naqshadeynta Qaranka Oo Saaka Kulan Yeeshay Ayaa Ogolaaday In Master Plan Loo Sameeyo Degmooyinka Boorama, Allebaday, Balligubadle, Caynaba, Xariirad, Lawyacado, Oodweyne, Wadaama-goo Iyo Oog
Kulanka Saaka Waxa Goobjoog Ka Ahaa Dhamaan Xubnaha Gudida Naqshadaynta Qaranka, Ugu Horeeyo Gudoomiyaha Gudida Naqshadeynta Ahna Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Eng. C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi, Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Biyaha Maxamed Muuse Diiriye, Wasiirka Isgaadhsiinta Iyo Tiknoajiyada Dr. C/wali Sheekh Abdilahi Suufi Jibriil, Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta Jaamac Abdilahi Cigaal, Wasiirka Deegaanka Iyo Horumarinta Reer Miyiga Shukhri Ismaaciil Baandare, Wasiirka Beeraha Axmed Muumin Seed, Wasiirka Caafimaad Mudane Cumar, Iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Dr. Jamaal Cabdi Muuse.
Kulankan Saaka Ay Yeesheen Gudidu Ayaa Ka Qabsoomay Xafiiska Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Eng. C/rashiid Xaaji Ducaale, Waxaana Lagu Anxiyey In Dib Uqorsheyn Lagu Sameeyo Maagaladda Boorama, Iska Markaana Wasaaradu Dajiso Naqshad Cusub Oo Rasmiya Oo Ay Yeelato Mustaqbalka Degmada Boorama.
Gudidu Sidoo Kale Waxay Mamnuucaday In La Qorsheeyo Buuraha, Jeexjeexyada, Dooxyada Iyo Bababcyada, Waxayna Go’aan Ku Gaadheen In Buuraha, Jeexjeexyada, Dooxyada Iyo Bababcyada Yihiin Danguud Isla Markaana Aanay Cidna Sheegan Karin.
Gudida Naqshadeynta Qaranku Waxay Sidoo Kale Ogolaatay In Qorshe Magaaleed “Master Plan” Ay Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Usameyso Degmooyinka, Allebaday, Balligubadle, Caynaba, Xariirad, Lawyacado, Oodweyne, Wadaama-goo Iyo Oog. Barnaamujka Ayaa Isagu Gaara, Wuxuuna Ku Dhisnaan Doonaa Iskaashi Bulshada Deegaanadaa Ah Iyo Wasaaradda.

ALLAA MAHAD LEH
C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker